”Haddii uu APP-kani telefoonkaaga ku jiro haddaba iska tir waa halis amaane!”

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2020 – Maamulka Abuu Dabeey ugu qaybsan arrimaha Dhijitaalka ah (ADA) ayaa dadka haysta iPhone iyo iPad u sheegay inay iska diraan Mail App ku jira aaladohooda.

“Digniin. Iska jir app-ka Mail. Iska tir oo adeegso apps kale inta halistan amaan ee dhanka xogta ah meesha laga saarayo.” ayay soo dhigeen Twitter-ka.

Waxaa la sheegay in app-kani uu burcadda internet-ka u sahlo inay u dhacaan farriimaha kusoo dhaca Mail-ka, marka ay soo diraan farriimo beleeysan, waxaana xitaa ka digtey Hay’adda Sharciyaynta Isgaarsiinta Imaaraadka (TRA) oo muuqaal soo bandhigtay.

Afhayeen u hadlay Apple oo u warramay Gulf News, ayaa yiri: “Apple waxay daacad u qaadanaysaa halisyadan amaan waana baarnay anagoo ka duulayna xogta nala siiyey, balse arrintani halis wayn ma xambaarsana.”

Wuxuu qoray inay jiraan 3 arrimood oo dib u eegis lagu samayn doono oo Mail-ka khuseeya, balse aanu awood u lahayn in la jabsado xogta aaladda.

Weli lama oga inay halistani ku egtahay Imaaraadka iyo in kale.


Hadalsame Media