”Haddaad Dallas Timaado waan ku dilayaa!” – Nin Trump u dhaartay oo la xukumay (Dallas oo xusuus xun ku leh dadka Maraykanka)

0

(Dallas TX) 28 Abriil 2020 – Nin 36-jir ah oo reer Texas ah ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xarig ah oo xabsi federaal ah, kaddib markii uu ku hanjabey inuu khaarajinayo MW Maraykanka ee  Donald Trump.

Mickael Gedlu ayaa la xukumau, kaddib markii sida uu qabo Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee magaalada Dallas,  Erin Nealy, uu qirtay inuu bishii Diseembar u dhaartay MW Trump.

Gedlu, oo ah ruug caddaa ka tirsanaa Ciidamada Badda dhimir ahaanna aan wanaagsanayn, ayaa Trump uga dhaartay dhanka baraha bulshada gaar ahaan muuqaal walaha YouTube: “Waxaan sugayaa inuu Trump Dallas si aan u khaarajiyo.” ayuu yiri.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in 31-kii Maajo 2028-kii, la arkay Gedlu oo taagan jir kasoo baxay hoteel Dallas ku yaal oo la yiraahdo Adolphus Hotel 30 daqiiqo uun kahor intaanu imanin MW Trump oo lacag ururin wadey.

Booliiska Dallas ayaa deeto arkay Gedlu oo sita boor ay ku qoran tahay “Dil Trump” isagoo ku sii qayliyey, “Dila Madaxwaynaha” markii la xirayey.

Dallas waa magaalo ay dadka Maraykanku murugo ku xusuustaan marka laga hadlo khaarajin MW, waayo waa meeshii lagu diley Madaxwaynihii shacbiyadda lahaa ee John Fitzgerald Kennedy, 22-kii Nofeembar 1963-kii.

Hadalsame Media