DHEGEYSO: ”Soomaalidu waxay ku qubaystaan biyaha MAYDKA lagu dhaqo!” – Soomaalida Sweden oo ka caraysan war kasoo baxay siyaasiyad Swedish ah

0

(Västerås) 28 Abriil 2020 – Dalladda ururka soomaalida Västerås  (Somsve) ayaa si xooggan uga falcelisey warbixin khalad ah oo soomaalida Västerås laga faafiyey, sida ay sheegtay Huda Xassan oo ku hadleeysay magaca ururka mar ay warreeysi siisay laanta afka soomaaliga ee Raadiyaha Sweden.

Qoraalka warqad lagu dhaleceeyey soomaalida waxa ka mid ahaa in muslimiinta iyo waliba Soomaalidu ku ay qubaystaan biyaha ay maydka ku dhaqaan.

”Waxaan u baahan nahay raalli gelin iyo khaladkan la saxo.” ayay tiri Daa’uuda Xasan oo ka tirsan jaalliyadda Degmada Västrås oo u warramaysa Raadiyo Sweden.

Hadalsame Media