DAAWO: Ruushka oo samaystay gaari ciidan oo kaligii is wadaya (Ma malayn kartid inta KM ee uu jeexay)

0

(Arctic) 28 Abriil 2020 – Gaariga Ruush sameega ah ee KAMAZ ayaa doorar badan ciyaara min inuu ka qayb galo tartanka rafka ah ee gawaarida ee Dakar Rally iyo inuu qaado ciidamada iyo saanadda millateri.

Yeelkeede, markan waxaa la geliyey imtixaankii ugu waynaa, isagoo lagu socodsiiyey cirif qaboobe barafeedka woqooyi, isagoo weliba bilaa darawal ah.

Gaarigan xoogga badan ayaa isagoo oo is wada oo ay kaamirooyin duubayaan wuxuu dhex jeexay dhulka ma cafiyaha ah ee Arctic, iyadoo gadaashiisa laga arkayo biciid barafeed iyo ceelal shidaal ah.

Gaariga ayaa muujiyey hufnaan cajiib ah oo dhanka howleed ah, isagoo jiiro deg deg ah gelaya isla markaana ka weecanaya gaadiidka kale.

Xitaa darawallada qaar ayaa la yaabay bandhigga gaariga KAMAZ, isagoo jeexay 2,500km isla markaanna lagu jarribay shilal macmal ah oo uu ka baxsaday, isagoon marna jidka ka leexan muddadaas.

“Waxay u eg tahay in mustaqbalkii aannu iminkaba joogno,” ayuu yiri Ruslan Muratov oo la hadlaya Ruptly.

Halkan hoose ka daawo….

 

 

Hadalsame Media