DAAWO: ”Awal waxaan qodi jirney 8 god haddana 40 god maalintii!” – Muqdisho oo si ba’an u le’anaysa & khalad kale oo ka dhaca qubuuraha!

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2020 – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa fara ba’an ku haya cudurka karoonaha, iyadoo koror aad u badan laga dareemayo qubuuraha magaalada Muqdisho.

Cali Maxamed oo ah Qabri-qode 20 sano shaqadaa ku jirey ayaa weriye Ciise Koonaa oo ka tirsan TV-ga Shabeelle u sheegay in awal ay qodi jireen 8 ilaa 9 qabri, balse ay iminka maalintii qodaan ilaa 40 god oo inta badan la buuxiyo.

”20 sano ayaan ka shaqaynayey, welina ma arag tanoo kale,” ayuu yiri Cali Maxamed, iyadoo ay xusid mudan tahay in 20-kaa sano ay ku jiraan marar ay magaalada ka socdeen dagaallo furan ama uu ka dhacay qarax ay dad badani ku dhinteen.

Hal arrin oo kale oo halis kale muujinaysa ayaa ah in dharka maydadka lagu keeno isla qubuuraha lagu daadiyo, taasoo ah dayacaad iyo daryeel xumo keenaysa inay cudurka qaadaan dadka goobahaas imanaya, amaba iskood ugu daran bay’ada.

Dadka Muqdisho ayaa lagu dhaliilay madax adayg, fududaysi iyo raacis la’aanta tilmaamo ay ka mid yihiin kala sikashada iyo in uu is karaantiilo qofkii cudurka iskaga shakiya, iyadoo masaajidda maalintii iyo habeenkiiba lagu dukanayo meelo badan oo magaalada ka tirsan.

Sidoo kale waxaa muuqaalka laga arkayaa inay dadku iyagoo raxan raxan ah qubuurihii dhooban yihiin oo uusan jirin hab-raac waafaqsan halista cudurkan faafaya ee Covid-19.

Somalia ayaa hadda dalka 2-aad ee ugu kiisas badan Bariga Afrika iyadoo dhaaftay 400 oo kiis waxaana ka badan inta aan la ogayn, waxayna ka hooseeysaa Jabuuti oo mareeysa 1,023.

Hadalsame Media