Daadadka Qardho oo khasaare nafeed gaystey, isu socodka oo xun & qayladhaan uu diray MW Somalia + Sawirro

0

(Qardho) 28 Abriil 2020 – Khasaaraha ka dhashay Roobki ka Da’ay magaalada Qardho ayaa isasoo taraya iyadoona la helay Meydadka shan ruux oo saddex kamid ah carruur tahay lana geeyey Isbitaalka guud ee Magaalada Qardho.

Sida lay xaqiijiyey, dad kale ayaa la la’yahay oo aan ilaa hada dhimasho iyo nolal midna loo xaqiijin, guryo iyo goobo-ganacsi oo badan ayaa burburay, waxaana jira qoysas badan oo shalay guryo ku jiray maantase banaan yaal ah, kaddib daad xoogleh oo xalay qarqiyey magaalada Qardho.

Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo iyo laba carruur ah oo walaalo ah sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta Isbitaalka wayn ee Qardho.

Afar tog oo magaalada dhex mara ayaa dhammaantood Biyo Xoog leh soo rogay kadib roobababkii Guga oo saacado is xigay ka da’ay Qardho waana taasi mida dhalisay khasaarahan kala duwan.

Isu socod aan badnayn ayaa ka jira jidka Qardho iyo Boosaaso, mana aysan jabin buundada Qardho oo cabsi wayn laga qabay badqabkeeda hadii ay jabi lahaydna ay kala xirmi lahaayeen Deegaanada Puntland.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” ayuu yiri MW Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.

Hadalsame Media

Facebook Comments