”Shabaabku hadda waxay canshuur iyo baad ku qaadaan gudaha Kenya!” – Sunday Nation

0

(Nairobi) 27 Abriil 2020 – Kooxda Al-Shabaab ayaa baad lacageed ka bilowday gobolka Soomaalida ee haatan hoos taga dalka Kenya, sida uu qorayo Sunday Nation.

Dadka baadda qaadaya ayuu wargaysku sheegay in laga qaaday Kenya kaddibna lagu soo tababaray gudaha Somalia, kahor intaan lagu soo celinin gudaha ismaamullada Soomaaliyeed ee Wajeer, Mandheera iyo Gaarisa, halkaasoo ay maxalliyiinta uga qaadaan lacago khasab ah si ay ugu maalgeliyaan howlgalladooda.

Wuxuu sheegay in sababta ay Kenya ugu weecdeen ay tahay iyaga oo laga xoreeyey meelo badan oo Somalia ah iyo iyagoo isku khilaafay sida loo maamulayo maaliyadda sidoo kale laga baado gudaha Somalia.

”Mahad Karatee, oo ah ninka maaliyadda ugu qaybsan Al-Shabaab, ayaa diiddan inuu lacagtaa la wadaago Diiriye oo loo yaqaan ABuu Cubayda oo ah hoggaanka kooxda, kaasoo hadda bixin waysan lacagaha lagu howlgalo.” ayaa ku qoran wargayska Sunday Nation.

Kooxda ayaa haatan aad u xoojisey howlgallada ay ka waddo gudaha Kenya gaar ahaan Gobollada Xeebta iyo Woqooyi Bari, halkaasoo ay dadka lacago uga qaadaan si baad ah, canshuur sharci darro ah iyo xitaa dhac, ayuu raaciyey.

Wuxuu soo bandhigay magacyada rag uu Booliisku doonayo oo howshaa baadda ah ka wada gobolka Soomaalida sida Maalim Yusuf Hassan Abdullahi, Abdirashid Ibrahim, oo loo yaqaan Osman Noor, Ahmed Dabar, Issack Okolla iyo Mohamed Bilal Olow, kuwaasoo ka howlgala Wajeer, Mandheera iyo Gaarisa, sida uu wargaysku qorayo.

Wargayska ayaa kaddib sii qoray warar dacaayad u muuqda oo ku saabsan dood qabiillo la xiriirinaysa arrintan.

Hadalsame Media