NHS oo ka digtey inuu soo baxay cudur halis ah oo karoonaha la socda oo CARRUURTA ku dhacaya (Arag farriinta)

0

(London) 27 Abriil 2020 – Waxaa dhakhaatiirta lagu wargeliyey halis cusub oo la xiririta caabuq sidaha coronavirus oo ku dhacaysa carruurta oo horay inta badan aamin uga ahaa cudurka.

Waxaa digniintu sheegtay inay aad “si cad sare ugu kaceen kiisaska carruurta da’ kasta leh oo ay kusoo boodeeyso jirro dhowr nooc ah oo hannaano badan saamaynaysa, taasoo u baahan daryeel deg deg ah oo lagu arkayo isbitaallada London iyo UK oo dhan” 3-dii todobaad ee tegey.

Hay’adda Adeegga Caafimaad ee NHS ayaa iyaduna Jamciyadda Daryeelka Carruurta ee Paediatric Intensive Care Society xalay fiidkii la wadaagtey war u dhignaa sidan:

“Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku saabsan xanuun la xiriira Covid-19 oo laga helayo carruurta UK, iyadoo ay dhici karto inuu jiro caabuq kale oo uu cudurkani sido oo aan weli la bar garan.”

Weli lama shaacin tirada carruurta uu xanuunkani soo ritey, balse waxaa la sheegay inay yar yihiin oo uu xanuunku u muuqdo mid naadir ah.

Cudurka noocan ah ayaa laga helay carruurta cudurka karoonuhu ku dhacay iyo kuwa aan weli laga helinba, wuxuuse leeyahay astaamaha ba’an ee Covid-19, waxayna dhakhaatiirtu ku misaaleen sumoow ay keento bakteeriyada (toxic shock syndrome) iyo cudurka Kawasaki Disease – oo sababa in xididdada dhiiggu ay xasaasiyad dareemaan oo bararaan.

Waxaa astaamihiisa ka mid ah ubuc-xanuun iyo astaamaha xanuunnada caloosha iyo gaastirigiigga, wuxuu sidoo kale leeyahay wadne xanuun uu la socdo matag iyo shuban, iyadoo dadka loo sheegay inay isbitaalka la beegsadaan ilmihii astaamahan laga helo, halka baaris lagu hayo cudurkan.

Hadalsame Media