”Maraykanku waa noo ogol yahay!” – Israel oo sidii cad hilib ah oo xeero ku jira uga hadlaysa qaadashada Daanta Galbeed ee Falastiin

0
TOPSHOT - Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu points at a map of the Jordan Valley as he gives a statement in Ramat Gan, near the Israeli coastal city of Tel Aviv, on September 10, 2019. - Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu issued a deeply controversial pledge on September 10 to annex the Jordan Valley in the occupied West Bank if re-elected in September 17 polls. He also reiterated his intention to annex Israeli settlements throughout the West Bank if re-elected, though in coordination with US President Donald Trump, whose long-awaited peace plan is expected to be unveiled sometime after the vote. (Photo by Menahem KAHANA / AFP) (Photo credit should read MENAHEM KAHANA/AFP via Getty Images)

(Tel Aviv) 27 Abriil 2020 – Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kalsooni ka muujiyey in Mareykanka uu laba bil gudahood ku siin doono fasax ay Israel ugu dhaqaaqdo qorshe ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.

Falastiiniyiinta ayaa carro ka muujiyey qorshaha Israel ay kusii kordhisaneyso dhulka ay ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Netanyahu, oo ku dhowaaqaya heshiis lagu soo dhisayo dowlad wadaag ah oo kala dhaxeysa ninka la loolamay ee Benny Gantz, ayaa toddobaadkii hore u qabtay 1-da July in la billaabo wada-xaajoodka Golaha Wasiirada ee lagu ballaarinayo dhulka ay dal ahaan u sheegato Israel, ayada oo lagu soo darayo qeybo ka mid ah deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed, iyo aagga Dooxada Jordan.

Tallaabadan ayaa u baahan inay ogolaato Washington, sida ku cad heshiiska Netanyahu iyo Gantz.

Khudbad uu Video ahaan ugu jeediyey urur Kirishtan ah oo taageera Israel kuna sugan Yurub, ayaa Netanyahu waxa uu Axaddii sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel.

“Waxaan ku kalsoonahay in laba bil kadib ballan-qaadkaas laga dhabeyn doono,” ayuu yiri Netanyahu.

Saraakiisha Falastiiniyiinta weli kama jawaabin hadalka cusub ee kasoo yeeray Netanyahu.

Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano.

Xogahayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Arbacadii sheegay inay tahay arrin Israel u taalla inay ku darsato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, islamarkaana Washington ay si khaas ah aragtideeda arrintaas ku aaddan ula wadaagi doonto dowladda cusub ee Israel.

REUTERS

Isha: VOA

Hadalsame Media