In ASKARI la noqdaa anshax badan ayay u baahan tahay (Shacabka laftooda mas’uuliyad ayaa saaran)

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2020 – Sida adduunyada Askari loo noqdo waa ay adagtahay, shuruudo badan oo mid aqooneed iyo mid akhlaaqiyaad ba leh ayaa ku xidhan.

Kama filayo in Askariga Soomaaliga ahi buuxiyo shuruudaha asaasiga ah ee dunidu ciidanka ku xulato maanta.

Aniga oo og duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan laamaha ammaanka, khatarta ay u badheedhaan, cadawga ay dagaalka kula jiraan iyo awooddooda qalab iyo middooda taageero ee liidata, waan ka filayaa in ay ku tallaabsadaan ama uu ka dhaco khaladaad uga yimaada muwaadiniinta.

30% dadka dilka ka gaysta Maraykanka, kuwa carruurtooda iyo xaasaskooda laaya, ama kuwa naftooda gooya, waa askar hawlgab ah oo kasoo laabtay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan oo ay colaaduhu saameeyeen.

Marka aynu ka hadlayno askari Soomaali ah, oo noloshiisii hortaagnaa Al-Shabaab, usoo joogay wax aynaan malaysan karin, islamarkaana lala socon caafimaadkiisa iyo noloshiisa gaarka ahi, waxay ila tahay marxalad kale.

Si kastaba ha noqotee, marnaba, marnaba, marnaba lagama garaabi karo askari dil u gaystay muwaadiniin aan halis galinayn naftiisa, xaalad kasta oo lasoo gudboonaata waxaa khasab ah in uu jiro sifo sharci ah oo uu u maareeyo, ha xidho, ha la tashado askarta uu la hawlgalayo ama madaxdiisa ha wargeliyee.

Laakiin in uu xabbad afka ka galiyo, muwaadin amar diiddo sameeyay waa sharci darro, waa waxa kaliya ee uu cadawga uga duwanyahay, wuxuu noqonayaa heeryadiisa cune.

In laga muddaharaado, laga cawdo, la gaadhsiiyo cidda ku shaqada leh, la dalbado caddaalad iyo in la isla xisaabtamana waa xuquuq buuxda oo cid kastoo wax tabanaysa leedahay.

Police brutality, ama ku taktifalka ciidamada ammaanku u gaystaan muwaadiniinta iyo muddaharaadyada looga soo horjeedo ciidamada ammaanku waa wax dhaca, kacdoonka la yidhaahdo ”Black lives matter” oo ka dhashay dilka ciidamada Booliska Maraykanka ee caddaanka ahi u gaystaan muwaadiniinta madawga ah ayaa kamida ah.

Natiijo wacan ayaa ka dhalatay, kadib markii ay muddaharaadayaashu si degenaan iyo dood leh usoo gudbiyeen cabashadooda, waxaa la maxkamadeeyay oo la xukumay askar dil gaystay iyo qaar dembiyo kale falay.

Innaga laakiin waxaad mooddaa in aanay shacabkii iyo ciidankii is dhaamin, taas macmaheedu maaha in aan diiddanahay in shacabku dareenkooda muujiyaan, laakiin sida askariga dilka gaystay aanay lexjeclo uga jirin nolosha muwaadinka lagu eedeynayo in uu dilay , ma aha in ay dadweynaha uga lunto lexjeclada nabadgelyada guud iyo waxa yar ee ay gacmahooda ku dhoodhoobteen.

Majiro askari taliyihiisu soo amray in uu dadka laayo, mana jiro taliye madaxweynihiisu soo amray in uu askarta amar ku siiyo dilka muwaadiniinta.

Ninku dil buu gaystay saw maaha? Miyaa lasii daayay? waa la qabtay oo saldhigga ayuu ku xidhanyahay saw maaha? waa la maxkamadeynayaa, haddii eedeysanuhu caddeeyo in madaxdu amarka siisay, oo waaxda caddaaladda ay dowladdu farageliso, sifo sharcidarro ahna ku difaacdo eedeysanaha, markaa waa laga caban karaa dowladda iyo xukuumadda, sawirradoodana waa la jeexjeexi karaa.

Laakiin innaga oo og in qoriga askarigu haystay aanay dowladdu amar ku siin in uu ku dilo muwaadiniinta, Farmaajo iyo Kheyre iyo taliye kalena ku amrin, in magaaladii la rabisho, cudurkii fursad la siiyo, oo la isku soo xoomo, eeddii cid kale loo jeediyo oo cadhadii lagula dul dhaco, waddooyinkii shalay iskaa wax u qabsada lagu xaar-xaarayna la gubo waa laga wanaagsan yahay.

Ma waddadan ayuu leeyahay ninka aad diiddan tahay? Xattaa madaxtooyada maleh, oo ambulaasta iyo baabuurka booliska iyo saldhigga iyo direyska boolisku xidhanyahay, iyo kabahiisu waa hanti qaran.

Ha ina khasaarin, si ka duwan eedeysanaha oo laguugu garaabi karo, laguu dhagaysan karo, waddaniyad iyo lexjeclo leh u gudbi cabashadaada adigoo waliba og in aad xaq leedahay is deji,

Haddii aad dooddaada si rabsho leh usoo tebisid, waxaa dhici karta in aanad garawshiyo ka helin dad aad ka heli lahayd haddii aad si deggen usoo bandhigtid.

Yaan laguu arkin in lagugu awrkacsanayo oo aad siyaasaddii ku milantay oo ujeedadaada la munaafaqdayn marka adiga oo dulmi ka cabanaya aad cid kale dulmido, dembi aanay lahaynna u yeesho.

Si aannay berri tan oo kale u dhicin, maxaa loo baahan yahay ayay kula tahay?

Aniga; in caaafimaadka askarta lala socdo, waxbarasho la siiyo, la wacyigeliyo, shuruucda dalkana la baro, iyo in laga shaqeeyo sidii dadka iyo ciidanku iskula shaqeyn lahaayeen, oo ciidamadu booqdaan goobaha waxbarashada, goobaha ciyaaraha, masaajidda iyo kulamada dadweynaha.

Mahadsanid.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media