”Hal mar ayuu sare joogga ka dhacay!” – Xog dheeraad ah oo kasoo baxaysa waxa ku dhacay Kim Jong Un

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2020 – Hoggaamiyaha idman ee North Korea, Kim Jong Un ayaa lagu warramayaa inuu ama dhintay, maskaxda ka dhintay amaba uu fiican yahay, taasoo ku xiran hay’ad wareedkii Eeshiyaan ah oo aad rumaysanayso.

Saxaafadda Hong Kong ayaa Sabtidii daabacday in Kim uu dhintay, iyadoo xiganaysa wax ay ku sheegtay “il wareedyo adag.”

Dhakhtar Chinese ah ayaa u sheegay majalad Japanese ah in Mr Kim uu xabadkiisa gacanta ku qabtay kaddibna uu dhulka halhaleel ugu dhacay horraantii bishan mar uu booqasho ku tegey baadiyaha dalkiisa isagoo wata tareenkiisa gaarka ah.

Deeto dhakhtar la socdey ayaa ku sameeyey hannaanka CPR ee dib loogu kiciyo, marka uu wadnuhu istaago, balse aanu weli dhiman, waxaana deeto loo dhigay isbitaal meesha ka dhowaa oo qalliin lagula sameeyay.

Warar ku dhow dhow Xisbiga Shuuciga ah ee ka arrimiya Beijing ayaa tibaaxaya in ay Kim naftu ka haaddey kaddib markii uu wax khalday dhakhtarkii qalayey oo ay gacmihiisu cabsi la jareeynayeen, tiiyoo ay jirto in aanu cuslayn qalliin wadnaha lagaga sameeynayey.

Wuxuu shakigu sii jibbaarmey markii ay China khubaro caafimaad u dirtay dhanka Kim si ay usoo daweeyaan, sida ay Reuters faafisay Jimcihii.

Ha yeeshee, haddii uu Kim dhintay, waxaa warka taa xaqiijinaya kaliya laga sugayaa saxaafadda Dowladda North Korea, oo sidoo kale dib u dhigtay geeridii waalidkii oo ay sheegista dhimashadoodu qaatay ilaa 4 maalmood.

Yeelkeede, waxaa jira isbeddel yar. David Maxwell, oo ah xeel dheere yaqaanna arrimaha North Korea kana tirsan sanduuqa Foundation for the Defense of Democracies, ayaa sheegay in hadda ay 6.5 milyan oo telefoon oo smart ihi ay yaallaan North Korea, waloow ay dibedda ka xiran yihiinna ay iminka xogtu dibedda ugu bixi karto si ka badan sida berigii hore.

Maxwell ayaa intaa raaciyey in Kim uu eersan karo cudurka coronavirus, maadaama uu jirrooyin kale qabey sida cayilka caafimaadka u daran, dhiig kar iyo sonkoroow ama aadi macaan.

Mr Kim oo ay aabbihii Kim Jong Il iyo awoowgii Kim Il Sung, wadne xanuun u wada xijaabteen ayaa waxaa xilkiisa sugaysa walaashii Kim Yo Jong, oo 31-jir ah. Waxaa u dhashay haweenaydii uu gaabsigu kala dhexeeyey ee Ko Yong Hui, oo sidoo kale dhashay Kim oo hadda jirran ama dhintay iyo walaalkii ka wayn Kim Jong Chol.

Hadalsame Media