YAAB: Qoowmiyad Afrikaan ah oo ay raggu ka NAASH NAASH badan yihiin haweenka + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Abriil 2020 – Is naashnaashka, dhar fiican oo la xirto, timaha oo muddo dheer la firo iyo wejiga oo aad loo fiirfiiriyo waa howl inta badan haweenka loo xagliyo.

Yeelkeede, qabiilka Afrikaanka ah ee Wodaabe oo gala qoowmiyadda wayn ee Fulaaniga u badan Galbeedka Afrika gaar ahaan Nigeria, Cameroon iyo dalal kale, ayay raggu aad isu naashnaashaan.

Ragga Wodaabe-ga ayaa badiyaa la arkaa iyagoo muraayad sita ama is eegaya si ay usoo jiitaan jaalkooda jacaylka, iyagoo aad isu turukeeya xitaa marka ay lo’da jiraan.

Sanadkiiba mar waxay iskugu soo baxaan mehrajaanka wayn ee dhalmada ee Gerewol, kaasoo sidoo kale loo yaqaan ”mehrajaankii xaas xadista”, halkaasoo ay raggu ciyaar ceshadaan si ay u soo jiitaan hablaha goobta imanaya.

Wodaabe waa dad jecel indhaha cad, ilkaha cad, dhererka iyo quruxda guud, waxayna raggu inta badan ku dadaalaan inay muuqaallada noocaas ah yeeshaan, iyagoo naash naash adeegsanaya.

Gabar Wodaabe ah oo ka naash naash yar ragga qabiilkeeda

Hadalsame Media