Taliska ciidanka AFRICOM iyo siyaasadda qotada dheer ee ka dambaysa (Maxaadan ogayn?)

0

(Hadalsame) 25 Abriil 2020 – Kaddib dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyeye awoodaha is diidanaa ee dunida waa USA iyo USSR ama NATO IYO WARSO, qaarada Africa ayaa wajahaysay faragalin kaga imaanaysa awoodahaas si  gaar ah wadamada la isku yiraa Horn of Arica oo Soomaalilya ay ka mid tahay.

Dawladahan ayaa dawlada maraykanka  ka helayey kaalmo milatari iyo mid horumarineed , hadana waxaa xukumkii laga tuuray nidaamkii milatariga ahaa ee Siyaad Barre 26 Janaayo 1991  ka dib weerarro xoogan oo kaga yimid jabhado hubaysan oo isbiirsaday ,laakiin nasiibdarada ugu weyn ee Soomaaliya haleeshay waa iyada oo dawladnimadeedii ay burburtay. Sidaa si lamid ah waxaa meesha ka baxay nidaamkii milatariga ahaa ee dargigii Migistu Xayle Maryem 21 May 1991 ka did markii uu waayey taageeradii milatari ee uu ka heli jiray dalka Ruushka , sidoo kale Eriteriya ayaa hashay ismaamul madax banaan isla bishii 29May 1991, laakiin inay meesha kabaxdo faragalintii lagu hayey wadamadaas ( Greater Horn ) masii socon waqti dheer.

Isla waqtigii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa waxaa soo if baxay nooc kale oo faragalineed oo leh qaabab iyo ujeedooyin kaladuwan .

Aan ku hormarno Dano jograafiyeedka iyo dawrka Cusub ee Shiinaha .

Isbadaladii waaweynaa ee dunida ka bilaabmay wixii ka dambeeyey burburkii Ruushka waxay soo ifbaxay mawjado faragalineed oo laga dareemay mandiqada geeska Africa una dhexeeyey Shiinaha iyo quwadihii ree Galbeedka  ujeedka ugu weyna uu ahaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa loona kontrooli ahaa ilaha dhaqaale iyo macaadinta ciiriin ee dhex ceegaagta mandiqada ( Access and Control).

Labada awoodood waxay iskuhawleen sida uu u dhigay qoraaga Chue ( 2007) waxa loo yaqaan dagaal siyaasadeed ( Political warfare) oo ku wajahan qaarada Africa sigaara mandiqada geeska Africa ujeedkuna ahaa sidii ah ugu mara dhalin lahaayeen waxa ay ugu yeereen ( National objectives ) ujeedooyin qaran. Taasoo ku qasbaysay wadamada awooda leh ee hirtanku ka dhexeeyey kuna tartamayey sidii ay u qabsan lahaayeeen qayraadka wadamadan inay siiyaan kaalmo dhaqaale iyo mid horumarineed oo isugu jirta qalabayn milatari iyo tababaristooda iyo sidoo kale xoojinta ciidamada amniga ( security forces )ee wadamada Africa .

Laakiin dawlada shiinaha ayaa iyadu xooga saartay a waxa ay ugu yeertay Hirgalinta Dhaqaalaha Africa ( Economic engagement in Africa ) si gaara Greater  Horn region ,waxayna si weyn u kordhisay maalgalinta ayka wado ama ay ku samaynayo ilahooda dhaqaale , tusaale ahaan shiinuhu wuxuu kor u qaaday dhaqaalah uu ku maalgalinayo dunida oo Africa ka helaysay sanadkii 2007 3 percent wuxuu gaariiyey 14 percent 2010, sidoo kale  2011 shiinuhu wuxuu qodista macaadinta Africa ku maalgaliyey aduun gaaraya $16 Billion, isla sanadkii 2011 wuxuu sii laba jibaaray maalgashigaas dhaqaale isagoo gaarsiiyey $165 Billion , hawlahaas uu shiinuhu kawado mandiqada ee dardarta wadata ayaa aad uga yaabisay oo kicisay dareenka  maraykanka iyo wadamada ree galbeedka maadaama ay iyagu ahaayeen wadamada sida weyn xiriir ganacsi iyo mid maalagshiba lalahaa wadamada geeska Africa oo ay ugu horeeyaan Sudan, Etoobiya iyo Kenya.inakastoo ay wali shirkadaha ree galbeedku ay yihiin kuwo wali ka hawlgala mandiqada ayna wali u  xirnanyihiin ilaha macaadinta ee wadamadan, welwekaas waxaa sigaara u iftiimisay Heleray Clinton oo ahayd xoghayihii arimaha dibada ee maraykanka kuna tilmaantay hawlaha maalgashi ee shiinuhu ka wado Africa mid leh muuqaal gumaysi, iyadoo tiri waqtigii gumaystaha waxaa sahal ahayd inaad qabsato afirica, qaadatid khayraadkeeda dabiiciga ah, laaluushtid hogaamiyaashooda iskana baxdid adoon waxba uga tagin dadkii dhuka lahaa , sidaas awgeed marnaba ma aqbalyno inaan markale aragno dhaqankaas leh sifada  gumaysi cusub. Dhankiisa ra`iisul wasaarihii Ingriiska David Cameron ayaa isna  si xoogan u dhaleeceeyey habdhaqanka maalgashiga shiinaha ee Africa xili uu booqasho ku marayey Negeria isagoo sheegay in ree galbeedku ay isdaba jooga ah uga  welwelqabaan dowrka shiinaha ee Africa una arkaan inuu yahay habdhaqan cusub oo lagu boobayo Africa .isagoo cadeeyey inuu aad u danaynayo in la  hor istaago ku tilmamay “ duulaanka shiinaha,, wuxuuna isweydiiyey sababta uu xiriirka dhaqaalaha ee  shiinuhu uu u yahay mid imbiriyaalisim ah oo ka baaxad weyn kan reegalbeedka. – Emperialism ; waa siyaasad uu isticmaalayey gumaystuhu oo uu rabay inuu awoodiisa military iyo tan dhaqaale uu ku qabsado wadmadii uu gumaysanayey. Laakiin su`aasa xiisaha leh ayaa ah Africa ma u baahan tahay in ree galbeedka uu ka difaaco waxa uu ku tilmaamay David Camerun gumaysiga shiinaha???.

Si kastaba ha ahaatee  arimaha ee sii xoogaysanay ee shiinuhu ka wado Africa wuxuu si aad ah uga xanaajiyey dalalkii ree galbeedka ee  xafiiltanka xoogan kaldhexeeyey , kaasoo ahaa kan kaliya ee iska maamusha khayraadka dabiiciga ah ee Africa xiliyadii gumaystaha iyo wixii ka dambeeyey, wuxuuna cikiyey mawjado faragalin kale oo mardiqada geeska Africa  oo foodsaarta. Marka meel la iska dhigo af tahanimada Helery Clinton, dawlada maraykanka ayaa dajisay laba istiraatajiyad oo ay ugu talo gashay inay uga hortagto hawlaha saamayntooda leh ee uu shiinuhu ka wado Africa.istiraatijiyadaas oo si kooban u sharaxaysa xaqiiqada dhabta ah ee loo aasaasay US Africa Command ( AFRICOM), oo ah ujeedada aan u qoray maqaalkan .

1 – istiraajyada  koowaad ayaa ah mid xiriir la leh aas aasitaanka xiriir amni oo maraykanku la yeesho dawladaha afirca ( security ties), arintaan oo ah mid xiriir la leh aas aasitaanka howgalka Africom ee 2007 oo ah hay`ad laagu talo galay fulnta siyaasad arimaha dibada ee Maraykanka ee ku wajahan qaarada Africa, Thersa Whelan oo ahayd kaaliyaha wasiirka gaashaandhiga ee arimaha Africa 2007 ayaa laga soo xigtay inay tiri way cadahay in ujeedada ka dambeeya hay`adan ay tahay ahmiyada ay africa ugu fadhido amaanka qaranka ee dawlada maraykanka. Waxaase jira shaki ah sida khayraadka Africa gaar ahaan batrooka iyo macaadintu aysan u noqn kuwo ahmiyad weyn u leh maraykanka oo kaliya balse ay soo jiiteen shinaha iyo quwadaha kale ee quuta khayraadka qaarada Africa. Dhanka kale tartanka loogu jiro gaarista iyo ka faaidaysiga khayraadka dihin ee Africa ayaa kiciyey dareenka dalalka awooda dhaqaalaha iyo tiknooloojiyada leh , kana dhigay qaarada meel u nugul faragalin badan oo saamayn xoogan  kuyeesha siyaasadaha xukuumadahooda.

Bishii juun 2012 Pentigonka ayaa mar kale aasaasay waxa uu ugu yeeray isku dhafka  hawlgalka wada jirka ah ee mandiqada geeska Africa, the Combined Joint Task Force- Horn of Africa.(CJTF-HOA)ujeedka  muuqda ee loo sameeyey arintan ayaa lagu sheegay, Baahinta ama xoojinta nabada ee mandiqada, In Cadawga loo diido meeluu gabaad ka dhigto iyo meel nabdoon oo uu ku nagaado,In la kordhiyo awooda wadamada ay ka howlgalaan ciidankaan isku dhafka ah si ay u awoodaan inay gaarsiiyaan dadkooda adeega ay u baahan yihiin iyo sidoo kale la xoojiyo dagaalka lagula jiro argagixisada. Si arintaan u dhaqan gasho Pentagonku waxa uu saldhig ka samaystay dalka Jabuuti 2003 ,saldhigas oo loogu yeero (Camp Lemonnier) wuxuuna dajyey qaybo kamid ah qaybaha uu ciidankiisu ka kooban yahay sida (Ciidanka dhulka , Cirka iyo kan bada). Sanadkii 2006 wuxuu pentagon ku laba jibaaray baaxada saldhigaas kuna kordhiyey qaybo ay isticmaali karaaan diyaaradaha waaweyn sida C-17 Hercules, iyo CV-22O spery air-craft si ay taageero u siiyaan C-17 Globemaster III iyo C-5Glaxiy  oo loo adeegsado xamuulka agabka milatariga.

Inkastoo AFRICOM saldhigeedu ahaa Germany, hadana saldhiga  Jabuuti waxaa loo asteeyey inuu noqdo xarunta fulinta hawlgalada ku wajahan Africa sigaara mandiqada geeska Africa. Waana lawada soconaa in Jabuti ay tan iyo waqti hor ay saldhig u ahayd ciidanka Faransiiska , iyo sidoo kale saldhig ay ka hawlgalaan ciidanka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ee uu UN ku sharciyeeye loona yaqaano ( Maritime Interception Operation. MOI) .sidaa si lamid ah Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh  dalalka Germany,Talyaaniga,Norwey, Denmark, China,Japan iyo kuwo kale.

Sidoo kale Maraykanku waxa uu saldhigyo milataro oo kale ka samaystay meelo kale oo mandiqada ka mid ah sida kan Mombasa- Kenya , Entebe –Uganda  oo kagacan siiya dalka Uganda sidii ay ula dagaalami lahaayeen falaagada uu hogaamiyo Joseph Kony oo gaboodyo farabadan oo ka dhan ah bani`aadamka ka sameeyey dalka Uganda, si doo kale waxa uu maraykanku kasamaystay saldhiyo kooban oo ay ay adeegsadaan diyaaradaha loo yaqaan Drons ka sida kan Etoobiya iyo Jasiirada Seychilies ee dhacda badweynta Hindiya . dhankooda dalalka yurub ayaa ku soo biiray hawlgalka maraykanku ka wado qaarada afica una fidiyey maraykanka taageeo dhaqaale iyo mid farsamo si loo yareeyo ama loo ciriiriyo hawgalka dhaqaale ee shiinuhu ka wadado qaarada, gaar ahaan mandiqada geeska Africa. Hawlgalka milatari ee Maraykanku kawado mandiqada gaar ahaan Soomaaliya  ayaa wajigiisa muuqdaa yahay ladagaalanka burcad badeeda iyo argagixisada Al-Shabaab iyo sidoo kale falaagada ka dagaalanta dalka Ugaanda ee uu hogaamiyo Joseph Kony, lkn way adagtahay in hawlgalkaas kooban uu maraykanku kawado mandiqada ay marmarsiiyo u noqon karto xajmiga saldhigyada milatari ee uu ku baahinayo kana dhisayo mandiqada. Waxayna u muuqdaan kuwo aan isu dhigmin. Waxayna loo arkaa kuwo ujeedkooda qarsoon uu yahay in algu saameeyo siyaasadaha dawladaha qaarada, hakadna lagu galiyo wadada shiinuhu uu ku doonayo inuu ku gaaro khayraadka dabiiciga ah ee dhex ceegaaga qaarada iyo suuqyadeeda.

2- Istiraatijiyada labaad ee Maraykanku ku doonayo in lagu dabro hawlgalka ganacsi ee shiinuhu ka wado mandiqada  sida xawilga ah uga socda qaarada siguud, sigaara Manidqada bariga Africa ayaa ah mid loo marayo dhex gal dhaqaale oo wayn oo gabalka laga hirgaliyo , isitatijiyadaas waxaa dajieyey Obama taasoo qaybka ahayn siyaasadiisa ku aadan Africa,nuxurkeeduna ahaa in maraykanku kordhiyo halwlgalka dhaqaalaha ee uu Africa la leedahay  isagoo tilmaamy : 1.loo gogol xaaro wadada hanaan  ganacsi iyo maalgashi.2. laga shaqeeyo hagaajinta hanaanka maamulka gancsi.3. la dardar galiyo iskaashi dhexmara dalalka mandiqada.4.in la balaariyo awooda ay Africa ku gaari karto, ugana faaidaysankarto suuqyada caalamka.5.in lagu dhiiri galiyo shirkadaha maraykanka inay la ganacsadaan, maalgashina ku samaystaan Africa . waa sida laga soo xigtay senator ka tirsan gudiga arimaha dibada ee Senedka.2012.

Waxaan shaki ku jirin in  nolosha iyo horumarka Africa ay waxweyn iska badali lahaayeen waa hadii sifiican ay hogaamiyayaasha  wadamada afirika umaarayn lahaayeen tartanka ay ku doonayaan shiinaha iyo maraykanku inay maalgashi iyo wada ganacsi la yeeshaan qaarada Africa soona saaraan khayraadkeeda  ay bulshadeeu ka oomantahay.  Arintaasina  waxay siinaysaa Africa fursad weyn oo ay waxsoosaarkeeda ku geyn karaan suuqyada caalamka.lkn waxaa muuqda gaabis iyo inaan sifiican loo fahman siyaasadaha shiinaha iyo ree galbeedku ka leeyihiin qaarada Africa.

Dhanka kale shiinaha ayaa u muuqda in dhaqaalaha Africa uu ka xoreeyey inay daba taagnaadaan barnaamiyo dhaqaale oo ay waqti hore dajyeen ahy`adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo wadamada ree galbeedku oo soo jiitamayey tan iyo qarnigii tagey.

Waxaase maragmadoonta ah tartanka loogu jiro waxsoosaarka  Africa iyo fursadaha maalgashiga oo sifiican loo maamulo, loona maareeyo inay taasi  wax weyn ka badali lahayd dhaqaalaha iyo nolosha Africa si lamid ahna ay xoojin lahayd maqaamka xukuumadaha Africa ku leedahay caalamka iyo sidoo kale sare u kici lahaa dhaqaalaha shirkada gaarka loo leeyahay..

Hadaan soo gabagabeeyo, xiriirka amni ee maraykanku kala shaqaynayo xukuumadaha dalalka geeska Africa waxay u muuqdaan kuwa lid ku ah ujeedooyinka istiraatijiyadii uu ku dhawaaqay maamulkii madaxweyne Obama , sababtoo ah waxaa soo ifbaxaya saamaynta xun ee ay ku yeesheen gobolka, oo ay ugu horayso inay khilaaf ka dhex oogeen dalalka gobolka,maadaama dawladaha qaarkood laga doorbidayo kuwa kale, taasoo ku xiran sida ay mar walba xuxuukamadahaasi ugu heelan yihiin taageerida  siyaasada maraykanka ee ku wajahan dunida iyo gobolkaba.taasina waxay badali karaysaa awoodaha isku dheeli tiranka ee dawladaha gobolka, sidoo kale waxay abuuri kartaa isku dhac military iyo xasarad ka aloosantay dawladaha gobolka dhexdooda.shakina kuma jiro in habdhaqakaasi uu uu wiiqi karo isdhexgalkii gobolka ee la saadaalinayey ( regional integration)iyo hirgalin siyaasad amni  iskaashi wada shaqayn oo dhexmarta dawladaha mandiqada geeska africa.

Sidoo kale waxaan hore ula soconay in xiriirkii milatari iyo faragalinta dibada xiligii dagaalka qaboobaa uu qayb lixaad leh ka qaatay baahinta sii xoogaysiga ama bilaabid xasardo ka aloosma gobolka. Mana jirto sabab xoogan oo damaanad qaadaysa in siyaasada loogu magac daray ( Security ties ) ee maraykanku ka hawlgaliyey gobolka geeska iyadoo loo marayo AFRICOM  aysan keeneen natiijo kaduwan tii dagaalka qaboobaa oo ka dhigtay geeska Africa deegaan ay xasarado iyo dagaalo ka holcayaan. Sababtoo ah hadii aad si hoose u dhuuxdo ama u faaqido siyaasadaas waxaad arkaysaa inayba taageero siinayso regiimyada kali taliska ah eeka jira gobolka ee sida xoogan u cadaadinaya awoodada dimoqraadi doonka ah. Kusii daroo waxayba u muuqataa siyaasadasi mid khatar ku ah ama dib u dhac ku keeni karta tartankii shirkadaha dalalka horumaray ee dhaqaalaha leh ay ku maalgashan lahaayeen dalalka gobolka , shaki la`aana taasi waxay dhaawac weyn ku keeni kartaa ama lugaha ka dabraysaa hamigii ay dalalka Africa u qabeen soo jiidasho maalgashi iyo sidoo kale waxay daciifinaysaa ama wiiqi kartaa awoodiha gorgortan ee qaarada, sidoo kale Africom waxay kaloo qayb qatahay hawlgalada ay dunida danaha kaleh gobolka ay doonayaan inay iskaga horwareejiyaan khataraha ka ka soo cusboonaaday  gobolka si guud iyo tan gudaha wadaha wadamada si gaara kuwaas caqabad ku ah danaha iyo masaalixda ay quwadaha duniduka leeyihiin mandiqada geeska Africa.

Axmed Cabdi Xassan ( Axmed Suudaan ) – Waa qunsulkii guud ee hore ee Soomaaliya ee Caden, Yemen ahna la-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga.

Hadalsame Media

Facebook Comments