SAWIRRO: Cumar Filish oo la kulmay qoysaskii laba qof oo xalay Muqdisho lagu toogtey & dibed baxayaal ka dhiidhiyey (Booliiska oo soo bandhigay eedaysanaha)

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho xalay ka dhacday arrin nasiib darro ah kaddib markii uu askari ka tirsan Ciidamada Booliisku uu halkaa ku toogtey laba qof oo rayid ah oo marayey jid ku yaalla Degmada Boondheere.

Dadka la diley ayaa ah marxuumad Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ahay iyo Marxuum Xasan Cali Caddaawe oo ahaa 24 jir deganaa Degmada Boondheere.

Waxaa arrintan ka dhashay dibad bax ay dadku kaga dhiidhinayaan dilkan aan qiilka sharciga lahayn, iyadoo ay dadku horraanba gunuunuc ka qabeen bandowga lasii dhuujiyey bisha Ramadaanka.

Yeelkeede, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Dable Booliis 26869 Xasan Aadan Xasan ina Dahabo Maxamed Cabduqaadir oo 24 jir ah kuna dhashay Xamar ku nool Degmada Hodon kana tirsan Boliiska Saldhigga Boondheere, kaasoo ku eedaysan dilka labada qofood.

Waqti xaadirkan waxaa dad dibad baxaya Fagaaraha Daljirka Dahsoon kula hadlaya Guddoonka Gobolka Md Cumar Filish oo dadka u sheegaya inay is dejiyaan oo nidaamka dhowraan, isagoo ballan qaaday in tillaabada sharciga ah ee la gudboon laga qaadi doono askariga dilka gaystey.

Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono eedaysane Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geestay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardara lagu dilay.

Dadka qaar ayaa qaba in qaabka ay Booliisku usoo bandhigeen xogta askariga laga yara wanaagsan yahay marka la eego duruufaha dalka, balse loo baahnaa in sharciga la hor geeyo oo qura.

DF Somalia ayaa loo jeediyey inay dib u eegis ku sameeyso sii dhuujinta bandowga la saaray magaalada Muqdisho, maadaama aanu saamayn wayn xitaa ku yeelanaynin la dagaallanka Covid-19 oo ay magaaladu maalintii furan tahay, haddii la xirana aan nolol dadka loo hayn.

Hadalsame Media