”Kim Jong-un waa dhintay, waxaa kaliya la sugayaa in lagu dhawaaqo!!” – Ilo Chinese ah

0

(Beijing) 25 Abriil 2020 – Waxaan weli wax wacaal ah oo rasmi ah laga haynin hoggaamiyaha Kooriyaha Woqooyi, Kim Jong-un, iyadoo ay la sheegay in caafimaadkiisu aanu fiicnayn oo wadnaha laga qabtay.

Waxaa arrinta sii fogeeyey Francesco Sisci, oo culuunta Shiinaha (sinologist) ka dhiga Jaamacadda Beijing.

“Inta aan ka ogahay, mar hore ayuu dhintay. Lama se yaqaan goorta lagu dhawaaqi doono, bilo ayay qaadan kartaa,” ayuu yiri Sisci oo la hadlayey Adnkronos, isagoo soo xiganaya ilo la isku halleeyn karo oo Chinese ah.

Waxaa ku tiri kuteentan dab kusii shidaysa ka maqnaanshiyaha hoggaamiyaha North Korea oo aan soo istaagin sanad-guuradii 118-aad ee dhalashadii Kim Il-sung (asaasihii NK iyo awoowaha diktaytarkan).

Warka Sisci ee haatan ayaa sidaa darteed sii dheeraynaya shakiga ku hareeraysan caafimaadka Kim Jong-un oo aan muddo il la saarin.

Hadalsame Media