Turkiga oo sidii uu Imaaraadku Somalia u galay oo kale UK ku sameeyey + Sawirro

0

(London) 24 Abriil 2020 – Shixnaddii soo daahday ee muddada laga sugayey Turkiga si loogu qalabeeyo shaqaalaha NHS oo la hardamaya coronavirus ayaa noqotay 32,000 xabbo oo dharka kalkaaliyaasha ah –kuwaasoo dhowr saacadood uun ku filan.

Saanaddan Turkiga laga sugayey oo Arbacadii UK gaartey iyadoo ay siddo dayuurad ciidan oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka dalkaasi (RAF) oo dhowr mar baaqatay ayaa laga sugayey 84 tan oo agab kala geddisan ah, kuwaasoo ay ku jiraan 400,000 oo ah dharka ay xirtaan howlwadeennada caafimaadku.

Yeelkeede, sida ku qoran Health Service Journal, waxaa agabka la keenay ku jira 32,000 oo maro oo qura – tiiyoo uu Wasiirka Bulshada, Robert Jenrick, uu shirkiisa jaraa’id ka sheegay inay “sugayaan shixnad ballaaraan.”

Warkan ayaa Dowladda UK kusii kordhinaya cadaadiska ku saabsan in aanay haynin agab ku filan shaqaalaha caafimaad ee la tacaalaya Covid-19, gaar ahaan agabka la isku ilaaliyo ee PPE.

Imaaraadka ayaa beri dhowayd la sheegay inuu saabbuun baakado kusoo xirey ka dejiyey magaalada Muqdisho, waloow aysan si rasmi ah uga hadlin DF.

Hadalsame Media