TIRAKOOB: Sweden oo iyada oo aan handaraabnayn ka kiisas yar dalal wax kasta xiran yihiin + Sawirro

0

(Stockholm) 23 Abriil 2020 – Dalka Sweden ayay kiisaska coronavirus ka yar yihiin dalka Britain – tiiyoo ay jirto inuu si caadi ah u shaqaynayo dhaqaalaha Sweden oo aan wax handaraab ah lasoo rogin, sida uu qorayo Daily Mail.

3-dii maalmood ee tegey, waxaa Sweden kusoo kordhayey 53 kiis halkii milyan oo qofba, halka Britain ay milyankii kusoo hagaagayso 66 kiis, tiiyoo ay jirto inuu bil dhan handaraaban yahay.

Tan kale celcelinta 3-dii maalmoodba dalka Britain waxay si joogto ah uga abdan tahay Sweden tan iyo 28-kii Maarso, oo ku beegan 5 maalmood kaddib markii uu  RW Boris Johnson handaraabka soo rogey.

Tan kale celceliska geerida UK ayaa ka badan tan Sweden waloow ay maanta tan Sweden in yar dhaaftay, waloow ay dalkaa saaran tahay xannibaad adag, si ka duwan Sweden oo ay mas’uuliyaddu shacbiga saaran tahay iyadoo aan cidina khasbaynin.

Professor Carl Heneghan oo ka tirsan Oxford University ayaa sheegay in kiisaska UK ay dhicitaan bilaabeen markii bartamihii Maarso la bilaabay tillaabooyin la mid ah kuwa Sweden sida gacma dhaqashada iyo kala sikashada dadwaynaha.

Wuxuu sheegay in jugta dhaqaale ee UK kasoo gaari doonta handaraabku ay ka cuslaan doonto kan uu keenay caabuq sidaha coronavirus, sida uu qabo.

Dalal badan oo uu Maraykanku ku jiro ayaa haatan doonaya inay handaraabka qaadaan, halka ay qaar badani horay handaraabka u debciyeen.

Hadalsame Media