Reer Galbeedka oo la yaaban cashar ay daroonnada Turkigu ay Imaaraadka ugu dhigeen dalka Libya + Sawirro

0

(Tripoli) 23 Abriil 2020 – Warqaadka Faransiiska ah ee Le Monde ayaa qoray warbixin uu ku sheegayo in miisaanka awoodeed ee dagaalka Libya uu aad isu bedeley oo ay gacanta sare yeelatay dowladda la aqoonsan yahay ee GNA, kaddib markii ay Turkigu halkaa geeyeen daroonno jiilkii ugu dambeeyey ah iyo hannaanka daafaca cirka.

Maqaal dheer oo uu wargayskan ku daabacay, Frédéric Bobin, ayuu ku sheegay in dagaalladii dhowaa ee ka socdey agagaarka caasimadda Tripoli, uu awoodda ka leexiyey Jeneraalka hoggaamiye kooxeedoobey ee Sarreeye Guud Khalifa Haftar.

“Miisaanka awoodeed wuu is bedeley tan iyo bilowgii sanadkan,” ayuu warqaadku kasoo xigtey Wolfram Lacher, oo ah cilmi baare ka tirsan Jarmanka ah ee Ummuuraha Caalamka iyo Ammaanka ee Berlin.

“Sababtu waxay tahay daroonnada iyo hannaanka difaaca cirka Turkiga oo dayuuradaha Imaaraatiga u diidey in ay foodda geliyaan Tripoli ama Misrata,” ayuu daba dhigay Lacher.

Dayuuradaha Imaaraatiga ayaa awal ka diiq ahaa hawada Libya iyagoo weerarro badan u gaysan jirey ciidamada GNA ee dowladda la aqoonsan yahay ee Libya oo haatan xiriir amaan la gashay Ankara oo hub badan oo muhim ah ku wareejisey.

Ciidamada GNA ayaa dhulal badan ka qabsanayey kuwa Xaftar maalmihii tegey, iyagoo ka ridey dhowr dayuuradood.

Daroonnada Turkigu sameeyo ayaa sidoo kale dhulka ku malaasay isla markaana hub fara badan ka burburiyey ciidamada Bashaar Al Asad oo beri dhowayd dhowr askari ku diley askar Turki ah oo ku sugan woqooyiga Suuriya.

 

Hadalsame Media