Kiswada Kacbada oo laga qabtay howl jeermis-tir ah oo intii hore ka ballaaran + Sawirro

0

(Maka) 23 Abriil 2020 – Madaxa Arrimaha Labada Masjid ee Xaramaynka ah ee Maka iyo Madiina ayaa dhamaystiray shaqo jeermis-dilis ah oo ay ku sameeyeen marada lagu dahaaro Dhagaxa Madoow ee Kacbada ee Kiswada.

Waxaa Kiswada lagu sameeyey howl adag oo nadiifin iyo jeermis-tir ah oo ay sii xoojisey xaaladda cusub ee ka dhalatay cudurka Covid-19, waloow si joogto ah xilligan oo kale sanad walba howlahan la sameeyo.

Koox farsamo oo ku qalabaysan agabyada ugu casrisan dunida ee wax lagu nadiifiyo ayaa qaaday howshan saxarrada (particles) halista ah looga buufinayo Dhagaxa Madoow ee Kacbada ee dhex yaalla Masjidka barakaysan ee Maka.

Dadaalkan ayaa waxaa soo amray Madaxa arrimaha Labada Masjid, Sheikh Abdul Rahman Al-Sudais.

Sucuudiga ayaa ka mid ah meelaha uu ka jiro cudurka Karoonaha ee caalamka ku faafay.

Hadalsame Media

Facebook Comments