Dal Muslim ah oo laga la’yahay xitaa hal kiis oo Karoona ah

0

(Ashgabat) 23 Abriil 2020Turkmenistan, wuxuu ka mid yahay dalalka fara ku tiriska ah ee aan weli laga soo sheegin hal kiis oo  coronavirus ah, sida ay ku adkaysanayaan maamulka dalkaasi oo sheegay inaysan waxba qarinaynin.

“Haddii aannu arki lahayn hal kiis oo coronavirus ah, waxaannu markiiba ku wargelin lahayn hay’adda WHO, sida uu qabo waajibka na saaran,” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka dalkaasi Rashid Meredov.

“Wax aannu qarinayni ma jiraan.” ayuu daba dhigay isagoo dhinac taagan saraakiil ka socota QM, iyadoo uu dalkani dib u bilaabay horyaalka kubadda cagta dalkaas.

Wasiirka Caafimaadka, Nurmuhammed Amannepesov, ayaa isna sheegay inay diyaariyeen 30,000 oo ah agabyada wax lagu baaro, iyagoo ay u dalban tahay 40,000 oo kale oo uga imanaya Russia, Turkey iyo Germany.

Wuxuu kaloo sheegay inay karaantiil geliyeen ilaa 151 qof oo u badan taraagleeyda kexeeya gawaarida sameeya safarrada dhaadheer ee taga dalalka kale, balse aysan cudurka qabin.

Hadalsame Media