WAR CUSUB: Wershad Muqdisho ku taalla oo farsamaysay qalab muhim u ah la dagaallanka Covid-19

0

(Muqdisho) 22 Abriil 2020 – Waaxda Horumarinta Farsamada ee Hayle Bariise Technical Development Centre oo ka tirsan Wershadda Xayle Bariise ayaa samaysay agab muhim u ah la dagaallanka Covid-19.

Dugsiga farsamada gacanta ah ee wershadda Xayle Bariise ayaa hindisay qalabkan oo si wanaagsan u rakiban, isla markaana uu adeegsigiisu sahlan yahay.

SIDEE U SHAQEEYAA?

Wuxuu ka kooban yahay haan biyo ah, dhinac ay ugu rakiban tahay saabuun dareere ah, lehna laba badeel hoose oo ku aaddan lugta bidix iyo tan midig.

Badeelkaas ayaa markaad ku istaagto midna saabuuntu ka soo baxaysa kana kalena biyo nadiif ihi ka imanayaan.

Waana farsamo iyo halabuur macquul ah oo wax badan taraya xilligan ay dunidu ku jirto faraxalka caalamiga ah.

Agabkan ayaa waxaa durba dalbaday xafiisyada dalka ee waaweyn, makhaayadaha, dukaamada, jaamacadaha iyo gobolka Banaadir.

Hadalsame Media