”Ma aha sida loo fahmey!” – Puntland oo sharraxaad ka bixisay war uu sheegay MW Puntland

0

(Garoowe) 22 Abriil 2020 – Maamul goboleedka Puntland ayaa ka laabtay war horay uga soo yeerey oo u muuqdey mid uu iskaga go’doominayo gobollada kale, isagoo haatan iska fogeeyay inuu xayiraad ganacsi saaray badeecooyinka ganacsi ee u kala goosha Puntland iyo gobolada kale ee dalka.

Guddiga Covid-19 ee Puntland ayaa ka hadlay war kasoo yeerey MW Puntland kaasoo uu ka jawaab celiyey Guddoonka Gobolka Hiiraan oo go’doomin ku eedeeyey MW Deni, isagoo sheegay in haddii aan wax laga qaban ay qaadi doonaan tillaabo rogaal ah.

Yeelkeede, Wasiirka Duulista Wawada Puntland oo ka mid ah Guddiga Covid-19 ee Puntland ayaa sheegay inay markasta diyaar u yihiin in la fududeeyo isu socodka ganacsiga iyo gargaarka u kala gooshaya gobollada dalka, gaar ahaan xilligan lala tacaalayo Covid-19, isla markaana ay soo socoto bisha Ramadaantu.

Dhanka kale, Wasiirka kalluumaysiga Puntland, Md Faarax Cawaash, ayaa isna iftiimiyey in isna sheegay xayiraad kasta oo lasoo rogaa aanay khusaynin gaadiidka sida xamuulka u kala socda Puntland iyo gobollada kale ee Somalia.

MW Puntland Siciid Deni ayaa soo saaray war ay dad badani farsamo ahaan la yaabeen, kaasoo uu ku dalbaday inaan wax raashin ihi ka bixin maamul-goboleedka Puntland.

“Raashiinka Puntland yaalla waxay nala noqotay inuusan bixin oo Puntland gudaheeda lagu isticmaalo si loo ilaaliyo in uu yaraado,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ganacsatada maxalliga ah ku amray in sida uu yiri aysan raashin u dhoofin Gobollada Dhexe.

Guddoonka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, o u jawaabayey ayaa yiri: “Waxaa halkan (Hiiraan), laga qaadaa khudaartii, xoolihii iyo subiggii, waxaana la geeyaa oo lagaga nool yahay Bosaaso iyo Garoowe. Haddii aan aanan laga noqon go’aankaas oo aan caqli Soomaalinimo lala imaan, dekedaha kale ee dalka ayaan u wareegaynaa, wax kasta oo Puntland naga aadayana canshuur labo jibaar ah ayaan saaraynaa.”

Hadalsame Media