Komaandooska DANAB oo degaanno hor leh ka qabsaday kooxda Shabaab + Sawirro cusub

0

(Muqdisho) 22 Abriil 2020 – Ciidamanka Xoogga Dalka (SNA), gaar ahaan Guutada 16-aad ee Danab ayaa kooxda Shabaab ka xoreeyey degaanno xiga xeebta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada DANAB ayaa weerar qorshaysnaa saakay ku qaaday degaannadan, sida uu sheegay Taliska Guutadan 16-aad ee Komaandooska, Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik, oo la hadlayey Idaacada Codka Ciidamada.

Degaannada ay Ciidamada DANAB qabsadeen ayaa waxaa ka mid ha degaannada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ay wada haysteen ciidamada kooxda Al-Shabaab oo halkaa iskaga baxay markii ay ogaadaan ciidamada kusoo fool leh, sida uu sheegay taliyuhu.

Xaaladda degaannadan ayaa waqti xaadirkan deggan, waloow aan la ogayn inay sidaa sii ahaanayso oo ay isbedeli karto.

Ciidamada Xoogga ayaa bilihii dambe wadey howlgallo qorshaysan oo dhulka ah iyagoo kaalmo dhanka cirka ahna ka helayey Maraykanka, iyagoo degaanno iyo degmooyin badan oo koonfurta ah ka saaray kooxda Shabaabka.

Hadalsame Media