Hay’addo saamayn wayn leh oo EPL ku cadaadinaya inay Sucuudiga ka hor istaagaan iibsiga Newcastle United (Sababta?)

0

(London) 22 Abriil 2020 – Maamulka English Premier League ayaa la waydiistey inay hor istaagaan inuu Sucuudigu iibsado kooxda Newcastle United.

Codsi ay soo qortay hay’adda xuquuqul insaanka u hadasha ee Amnesty International oo lagu hagaajiyey madaxa EPL, Richard Masters, ayaa lagu sheegay in Sucuudigu uu iibsiga kooxdan ku qarinayo ”anshax xumada qotada dheer” ee ku saabsan ku tumashada xuquuqda insaanka iyo xeerka caalamiga ah.

Sharikadda Qadar laga leeyahay ee beIN Sports, oo balaayiin ku iibsata ciyaaraha EPL, ayaa iyaduna sheegtay in Sucuudiga loo qabsado xatooyada ciyaaraha tooska ah ee ka socda kannaalladeeda.

Yousef Al-Obaidly, Maareeyaha Guud ee beIN Media Group, ayaa ka digey ”halista ka iman doonta iibkan” maadaama uu dalkaasi taageerayo burcadnimo iyo xadgudubyo sharci ah oo ka dhan ah danaha Premier League.”

Doodda beIN Sports oo ka mid ah hay’aadka sababta u ah inuu EPL noqdo horyaalka ugu hodonsan caalamka, ayaa cadaadis dhaqaale saari doonta maamulka EPL.

Arrintan ayay EPL ku khasaari doonaan £1 bilyan oo gini ($1.2 bilyan oo euro) haddii aan arrintan wax laga qabanin.

Maamulka EPL ayaa haatan waxay tahay inay go’aan ka gaaraan inay fasaxaan in hay’adda Sucuudiga ah ee Public Investment Fund iibsato Newcastle oo uu hadda leeyahay Mike Ashley.

Hay’adda PIF ayaa doonaysa inay saami aqlabi ah oo dhan 80% ku iibsato £300 millyan oo gini ($370 milyan) waxaana inta kale yeelan doona Reuben Brothers iyo maalgeliyohooda Amanda Staveley.

Hadalsame Media