Barnaamijka Baxnaano oo durba bacaad ku jira (Arag cadaalad darrada ka muuqata tirakoobka Degmooyinka)

0

(Muqdisho) 22 Abriil 2020 – DF Somalia ayaa si rasmi ah u daah furtay barnaamij ay kaalmo dhaqaale oo u dhigma waxa ay Soomaalidu ”cayrta” u taqaanno ku siinayso qoysaska danyarta ah, kaasoo la magac baxay ”baxnaano.”

MW Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka, kaasoo ay maalgelinayaan hay’ado ay ka mid yihiin Bankiga Adduunka.

Yeelkeede, sida ka muuqata tirakoob la sheegay in lagu sameeyey degmooyinka gobolada dalka qaarkood waxaa ka muuqata tirooyin qaarna aad hoos loogu dhigay qaarna laga badbadiyey.

Tusaale ahaan, Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ee Woqooyi Bari Somalia, qoysaska leh carruurta ay da’dooda ka yar tahay 5 sano waa 46,062 (afartan iyo lix kun iyo lixdan iyo labo).

Waxay taasi ka dhigan tahay inay degmadaasi ka dad badan tahay 3 degmo oo qadiimi ah oo ka tirsan Galmudug sida Dhuusamareeb, Caabud Waaq iyo Hobyo, waxayna sidoo kale aad uga dad badan tahay magaalooyin waawayn sida Beledweyne. Waxaa sidoo kale Beledwayne ka dad badan Afmadoow.

Tirakoobkan ayaa waxaa sida la sheegay sameeyay Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo uu Wasiirkeeda, Jamaal Maxamed Xasan, uu kasoo jeedo Degmada Badhan.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleeyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Arrintan ayaa durba dood cusub ka dhalisay isku halleeynta daah-furnaanta barnaamijka Baxnaano.

Hadalsame Media