”Waa meel ka dhac in Somalia lala ganacsado!” – Kenya oo gubtey badeeco qaali ah oo ka timid Muqdisho & Kismaayo + Sawirro

0

(Lamu) 21 Abriil 2020 – Dowladda Kenya ayaa gubtey kalluun qallalan oo Somalia laga soo xaday oo ku fadhiya Sh5 milyan oo shilinka Kenya ah.

Kalluunkan oo ku kala jirey 761 loor ayuu cufkiisu dhamaa 12 tan, waxaana dhowaan lagu qabtay  Mokowe Jetty in yar uun kaddib markii uu ka yimid Muqdisho iyo Kismaayo, isagoo xadka Lamu ee Kiunga.

Kalluunkan oo loo wadey magaalada Mombasa ayaa waxaa gubistiisa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Lamu County, Irungu Macharia iyo saraakiil sare oo kale.

Waxaa kale oo goobjoog ahaa Wakaaladda Badaha Kenya KMA, tan Badda KPA, kalluumaysiga iyo Waaxda Socdaalka Kenya.

Md Macharia ayaa digniin culus u diray dadka ganacsiyada kontarobaanka ah geliya ama ka keena Somalia.

”Waa meel ka dhac in hadda Somalia lala ganacsado. Xadku waa xiran yahay hadda.” ayuu yiri.

Hadalsame Media