”Ma aqbalayno!” – Imaaraadka Carabta oo ka DHIIDHIYEY arrin aan looga baran!

0

(Abuu Dabeey) 21 Abriil 2020 – Nin Hindi ah oo ku dhaqan magaalada Dubai, isla markaana Twitter ku faafiyey warar Muslim nacayb ah ayaa waxaa indhaha u shidatay Amiiradda Hend Al Qassimi, oo ka mid qoyska boqortooyada Imaaraadka Carabta, taasoo keentay inuu cabsado oo uu koontadiisii oo dhan tiro.

Ninkan oo Twitter ku isticmaalayey magaca Saurabh Upadhyay ayaa soo tweet gareeyey dhowr farriimood oo uu ku bartilmaameedsanayo Muslimiinta, taasoo ay kasoo jawaabtey Princess Qassimi oo screenshot kasoo qaadday iyadoo tiri “Waxaad rootiga iyo subagaaga ka heshaa dalkan aad ku jeesjeesayso, balse taa laguguma dayn doono.”

Imaaraadka Carabta ayaa beryahan wadey dagaal uu kula jiro Hindi meel uga dhacaya Muslimiinta, xilli ay cadaadis wajahayaan Muslimiinta dalkaasi, iyadoo Imaaraadka lagu eedeeyo inuusan dan ka lahayn.

Rakesh B Kitturmath, oo madax shaqaale ka ah Emrill Services, oo saldhigata Dubai, ayaa Khamiistii hore la cayriyey kaddib markii uu ku jeesjeesay sida ay Muslimiintu uga jawaabeen coronavirus iyadoo dacwo loo haysto, sida uu qoray Gulf News.

Nin reer Hyderabad oo xisaabiye ka ahaa Emirates ayaa isna albaabka la tusay kaddib markii uu faafiyey war sheegaya inay Muslimiintu kas u fidinayaan coronavirus.

Nin kale oo Hindi ah oo maareeye ka ah Abu Dhabi ayaa isna wajahaya tillaabo sharci ah, kaddib markii uu Islaamka ku shaydaameeyey baraha bulshada.

Mitesh.U, oo Maareeye Maaliyadeed ka ah shirkad deggan Abu Dhabi ayaa baraha bulshada ku faafiyey wax uu ku sheegay “jihaadi candhuuf tufaya si uu u faafiyo coronavirus.”

Shil kale, nin Hindi ah oo Muslim ah oo booqasho ku yimid Imaaraadka si uu shaqo uga heloIn another incident, an Indian ayaa waxaa inuu Pakistan aado u sheegay mid kale oo Hindi ah oo la yiraahdo S. Bhandari, kaasoo sharikad ku leh Imaaraadka.

Dhiidhinta gabadhan iyo tillaabooyinkan ayaan ahayn kuwo horay looga bartay Imaaraadka, waloow aanu weli jirin mowqif siyaasadeed oo ka yimid nidaamka Imaaraadka oo ku saabsan cadaadiska Muslimiinta Hindiya.

Imaaraadka ayaa beri dhowayd waxay RW cunsuriga ah ee Hindiya siiyeen billadda ugu sarreeysa ee la siiyo qof rayid ah, jeer ay meel xun mareeysey xiisadda Pakistan iyo Hindiya oo Kashmiir isku hayey.

Hadalsame Media