Arrin nasiib darro ah oo xalay Muqdisho ka dhacday oo muujinaysa khalad farsamo oo ka jira gurmadka caafimaad ee Covid-19

0

(Muqdisho) 21 Abriil 2020 – DF Somalia ayaa ku jirta dadaallo lagula dagaallamayo caabuq sidaha Covid-19, iyadoo shalay soo bandhigtay goob la wacayo iyo isbitaallo cusub.

Yeelkeede, waxay xalay dhacday arrin muujinaysa inaysan weli hufnayn hab-howleedka ay u shaqeeyaan, iyadoo horay dhowr mar looga hadlay khaladaad jira.

War uu Hadalsame Media ka helay goobaha gurmadka iyo lambarrada gaaban ee deg degga loo woco ayaa sheegaya inuu xalay oday ku dhowaad 60-jir ihi u dhintay dayacaad howleed.

Ehelka odayga oo deggan dhinaca Buula Xuubeey oo ka tirsan Degmada Wadajir ayaa la sheegay inay weceen lambarka deg degga ah ee gaaban, iyagoo u sheegay inuu naqasku ku dheggan yahay.

Waxa markiiba loosii gudbiyey oo lagu xirey Isbitaalka Martiini, kaasoo isku dayey inuu aambalaas ama dhoolli u dalbo bukaanka xaraarugga ah.

Ha yeeshee, waxaa soo baxday in uu maqan yahay darawalkii kaxayn lahaa aambalaasta, waxaana qoyskii odayga loo sheegay inay iyagu soo qaadaan, balse naf lama gaarin goobtii gargaarka.

Arrintan ayaa muujinaysa dayacaad waajib iyo dhowr khalad oo xirfadeed iyo kuwa farsamo, waana in laga digtoonaadaa inaysan dhicin.

Hadalsame Media