NINBA MARKII: Turkiga oo si lama filaan ah uga aarsaday Sucuudiga & Imaaraadka

0

(Ankara) 20 Abriil 2020 – Dowladda Turkiga ayaa baloogtay webab laga leeyahay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, maalmo uun kaddib markii Sucuudigu baloogay TV-ga dowladda Turkigu leedahay ee TRT iyo Wakaalad Wareedka ay iyadu maamusho.

Dhaqaaqan rogaalka ah ee ay Turkigu sameeyeen ayaa imanaya kaddib markii ay dacwad oogayaasha Turkigu soo saareen war sheegaya in 20 qofood oo Sucuudi ihi ay ku lug leeyihiin dilkii weriye Jamaal Khashuuqji oo lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, taasoo aad usii qaraareysey xiriirka Ankara iyo Riyaad.

Turkiga ayaa xirey Wakaalad wareedka Sucuudiga ah ee SPA, iyo midda Imaaraadka ee WAM iyo daraasiin webab ah oo faafiya dacaayado ka dhan Turkiga, waxaana haatan soo baxaysa farriin sheegaysa inay Turkiga ka baloogan yihiin.

Afhayeen ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda Turkiga oo ay Reuters arrintan wax ka waydiisey ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Sucuudiga ayaa horraantii todobaadkii hore wuxuu xirey TRT iyo wakaaladda Anadolu oo ay wada leedahay Dowladda Turkigu, yeelkeede, weli kuwaas lagama xirin dhanka Imaaraadka, ugu yaraan ilaa maanta.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments