Standard Media oo markale ku celiyey eed ka dhan DF Somalia (Laba talo oo halis ah oo uu soo jeediyey)

0

(Nairobi) 20 Abriil 2020 – Warqaadka xag-jirka ah ee Standard Media ayaa markale ku celiyey war uu maalin dhowayd wax ka qoray oo DF Somalia ku eedeeynayey ”inay Al Shabaab lacag ku siiso in la weeraro Kenya.”

Wuxuu qoray in Kenya iyo dalalka kale ee ay wiilal iyo gabdho uga dhinteen la dagaallanka Shabaab ay Somalia abaal uga fadhiyeen, balse taa biddaalkeeda ay DF Somalia ”sariir kula fadhido kooxda Shabaab” taasoo uu ku sheegay $1.5 milyan oo doollar (Sh159 milyan), sida uu qoray.

Wuxuu daba dhigay, haddii ay dhab tahay xogta qarsooduga ah ee uu helay The Standard Media uu run yahay (taasoo muujinaysa inuu isagu allifey) in ay hadda labadii cadow ee DF iyo Shabaabku ay hadda leeyihiin hal cadow: Kenya.

Wuu sii hadlay oo wuxuu is waydiiyey waxa ay markaa Kenya ka sii qabanayso Somalia maadaama buu yiri uu xiriirka labada dal sii xumaanayey tan iyo bilowgii muran badeedka, wuxuuna sheegay in Kenya aysan kaliya sugin Maxkamadda ICJ ee ay isku duwdo wixii caddayn ah ee ay hayso.

LABA HANJABAAD

Wuxuu soo jeediyey laba hanjabaad oo ay midi tahay inay kaddib caddaymahaa la hor tagaan Midowga Afrika, Ururka IGAD iyo xitaa QM, si loogu sii sameeyo baaritaanno dheeraad ah.

Wuxuu qoraalka kusoo af jaray: ”Somalia waa inaysan hadhoow soo cabanin haddii Kenya iyo AMISOM ay ugu dambayn iskaga baxaan Somalia, haddii Al Shabaab — oo ah bahalka wayn ee lagu eedaynayo inay dhalo ku quudinayso — uu hadhoow kusoo jeesto.

Hadalsame Media