Maraykanka oo agab caafimaad oo ay ku jiraan 350 oo sariirood ku wareejiyey DF Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Abriil 2020 – Deeqdan caafimaad oo ah deeqdii ugu horeysay ee noooceeda ah ee ka timid Dowladda Mareykanka ayaa maanta lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, taasi oo loogu talagalay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19 oo dhibaato ku haya caalamka, sida ay faafisay warbaahinta DF.

350 sariirood, firaashyo iyo qalab kale oo looga hortagayo xanuunka Coronavirus ee dhibaatada ku haya caalamka ayey ka kooban tahay, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa xakamenta cudurka, waxaana dowladda Mareykanka ay usoo marisay hey’ada USAID oo ka mid ah hey’adaha caawiya Soomaaliya.

Mukhtaar Yuusuf Cirro oo ka mid ah masuuliyiinta hey’adda Mareykanka ee arrimaha gar gaarka oo ku wareejiyay deeqan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay mid loogu talagalay inay dowladda Soomaaliya kaga hortagto cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar Nuur oo qabaka la wareegtay ayaa uga mahadcelisay hey’adda USAID oo deeqada soo gaarsiisay, waxaana ay tilmaamtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka.

Hadalsame Media