DF Somalia oo laba tillaabo mar qura u qaadday dhanka la tacaalidda Covid-19

0

(Muqdisho) 20 Abriil 2020 – DF Somalia ayaa hirgelisey telefoon la wacayo 24 saacadood iyo laba isbitaal oo dheeraad ah oo lagula tacaalayo cudurka COVID19 oo uu lambarkiisu kor u sii kacayo dalka Somalia.

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa maanta hirgelisey xirfadlayaal ay dhakhaatiir ku jiraan oo maalintii qaban kara ilaa 1000 wicitaan.

Madaxa Caafimaadka ay DF u magacowday la tacaalidda COVID19, Dr. Mohamed Mohamud Fuje, ayaa sheegay inay diyaariyeen labada isbitaal ee Banaadir iyo Yaldemeri oo isku darkii qaadaya 200 oo sariirood.

Somalia ayaa iminka laga diiwaan geliyey 164 kiis, 7 dhimasho iyo 3 soo kabatay, iyadoo 21 kiis oo COVID19 ah shalay oo qura la diiwaan geliyey.

Hadalsame Media