Sucuudiga oo Somalia si quureed ula dhaqma & siyaasiyiinta oo arrintaa ka aamusan (Faallo Wareed)

0

(Riyaad) 19 Abriil 2020 – War kasoo baxay Wasaaradda Degaanka, Biyaha, iyo Beeraha Sacuudiga Carbeed ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadayaan xayiraadii saarneyd xoolaha looga soo dhoofiyo dalka Somalia.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ayay Wasaaraddu ku sheegtay inay si KMG ah u qaadayso xayiraaddii saarnayd xoolaha Soomaalida ee lagasoo dhoofiyo Somalia.

”Sacuudigu wuxuu xayiraaddii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Somalia.” ayay u dhignayd farriin gaaban lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga.

Wasaaradda ayaa filanaysa qiyaastii ugu yaraan in 600,000 oo ido iyo ari ah iyo 100,000 oo ay ugu baahan tahay maxalli ahaan, marka uu dhamaado handaraabka karoonuhu.

Sucuudigu muddo 3 sano ah ayuu xayiraad ku hayey xoolaha Soomaalida, isagoo kaliya fura marka uu yaraado saanadda hilib ee uu ka heli karo dalal ay ka mid yihiin Argentina, Australia iwm oo uu macmuul joogto ah u yahay, tiiyoo ay xoolaha Soomaalidu ka hilib macaan yihiin masaafo ahaan iyo dhaqan ahaanna uga dhow yihiin.

Ogoobeey, wax kala iibsiga waa la isku naas nuujiyaa, tusaale, dalalka reer Galbeedku waxay khudaar kaa iibsanayaan marka ay dhamaato tooda iyo midda Laatiin Ameerika. Taa biddaalkeeda, dalalka Khaliijka iyo kuwa kale oo Carbeed, malaha waaba ka qashaafayaan inay xoolo ka iibsadaan Somalia, amaba shilinka yar ayaanay u quurin.

Yeelkeede, dad badan oo Soomaali ah ayaa aad uga xun hab-dhaqanka Sucuudiga, iyadoo aysan arrintan waxba ka qaban madaxda Somalia oo kaliya eegta xaqal-jeebka yar ee lasoo siiyo marka halkaa booqdaan, iyagoo iska indha tiraya inuu Sucuudigu Somalia ula dhaqmayo sidii jaal gacan 2-aad ah oo kaliya la xusuusto markii loo baahdo ama la arko.

”WAXAAN LEENNAHAY XIRIIR TAARIIKHI AH”

Kelmaddaa maran waxaa ku celceliya madaxda Somalia, balse marka aad akhriso warka sare ku xusan ka muuqato inuu Sucuudigu sidaa u arko, sidaa darteed, waxaa waajib ah in horta lakala saxiixdo heshiis rasmi ah oo ay intii tabarteed ah Somalia daneheeda ugu dagaallamayso, iyadoo codsanaysa in la siiyo qiyam door bidid, si ay uga guulaysato hardanka suuqa (preferential trade arangement), si ka duwan in Somalia oo ah dal xoolo wanaagsan haysta loola dhaqmo qaab boos buuxis iyo canaad ah.

DF Somalia oo marar badan iska dhex boodda dano uu Sucuudigu iskiiba u qabsan karo ayaa looga fadhiyaa inay goolkaa soo dhaliso, haddii se uu Sucuudigu sii wado hab-dhaqankan, waa inay Somalia si KMG ah iyaduna u hakisaa xoolaha ay Sucuudiga u dhoofinayso, iyadoo sidoo kale sahansanaysa suuqo kale oo ka gobsan kuwa Sucuudiga, sida muuqatana waa la heli karaa.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media