Muslimiinta Hindiya oo loo qabsaday karoonaha dalkaa ku faafaya (Sabab la yaab leh oo ku hoos jirta)

0

(New Delhi) 19 Abriil 2020 – Caabuq sidaha laayaanka ah ee COVID-19 ayaa Hindiya looga adeegsanayaa fursad kale oo lagu weeraro bulshada Muslimiinta, jir ahaan, af ahaan iyo niyad ahaanba.

Waxaa lagu qaaday weerarro gacmeed kaddib markii la faafiyey been abuur ah in Muslimiintu ay ”karoonaha ku jihaadayaan” si uu dadka Hinduuga ah ugu dhoco.

Waxaa mar qura is qabsaday farriimo, qayladhaan iyo hashtag-yo Muslimiinta ka dhan ah, iyadoo la adeegsanayo tibix cusub oo la yiraahdo “corona jihad”, waxaana la sameeyay muuqaallo lagu muujinayo dad ku candhuufaya khudaarta, albaabada, suxuunta leefaya oo la leeyahay waa Muslimiin.

MAXAA U SABAB AH?

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii uu faafay war sheegaya in dad ka qaybgalay kulan Tabliiqi ah (Tablighi Jamaat), oo lagu qabtay New Delhi dad badan oo joogey laga helay Covid-19, iyadoo dad badan oo dibedaha uga yimi kulankaas lagu eedeeyey inay dibedda si kas ah cudurka uga keeneen.

Jamaacada Tabliiqa (Tablighi Jamaat) ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay ku khaldan yihiin inay kulankaas kusoo beegaan bartamaha bishii Maarso, iyadoo sidoo kale la sheegay in kiisas badan oo cudurka ihi uu kasoo bilowday kulankaasi.

Waxay taasi keentay in Muslimiinta haatan Hindiya looga sawiray dad cudurka faafinaya, waxaana abuurmay dhallinyaro Hinduu ah oo Muslimiinta u diidaya goobaha la iskugu yimaado, inay magaalooyinka yar yar soo galaan iyo xitaa inay jidka wax ku iibiyaan.

Hadalsame Media