Turkiga oo lagu khasbay inuu sharraxaad ka bixiyo asxaan uu Somalia u samaynayo (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 18 Abriil 2020 – Waxaa marar badan ay mucaaradka Somalia ay DF ku eedeeyeen in sida ay yiraahdeen ay ”DF Ciidamada Xoogga u adeegsanayso si khalad ah”, iyadoo ay qaarkood si cad Turkiga ugu sheegeen inuu joojiyo tababarka ciidamaada, taasoo ay dad badani la yaabeen.

Hadda, Danjiraha Turkiga ee Somalia, Mehmet Yilmax, oo arrintan markii ugu horreeysey ka hadlay ayaa si cad u bayaaniyey inaysan Turkiga khuseeynin qaabka, goorta iyo goobta ay DF u adeegsanayso ciidamada ay Somalia u tababaraan.

“Marka hore waxaan rabaa in aan sheego annaga waxaan dhiseynaa Soomaaliya iyo ciidankeeda qalabka sida, halkaana kuma dhiseyno ciidan aan anagu leenahay, is kaashiga militeri ee naga dhexeeya anaga iyo Soomaaliyana waa mid aad muhiim u ah, markii aan tababarno askarta waxaan xafladda qalin jebinta ku casuumnaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Danjiraha oo la hadlayey idaacadda VOA Somali. Halkan ka dhegeyso waraysiga.

Danjiraha oo cashar gaaban oo madani ah (civic education) bixinaya ayaa sii faahfaahiyey cidda ay tahay in lagala hadlo wixii ku saabsan ciidamada iyo sida loo adeegsanayo.

“Intaas kadibna Dowladda Somalia ma siinno tilmaamo ku aadan halka ay u adeegsan doonaan ciidankan, sababta oo ah ma lihin maamulka dhaq-dhaqaaqyada howlgelinta oo kaliya waxaan u tababarnaa ciidamada, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh go’aamada la xariira adeegsiga ciidamada, fal-celinta iyo dhaleeceyna ciidamadii la geeyay gobollada aan kasoo hadalnay, waxaan ku aragnay wargeysyada iyo baraha Internet-ka, marka arintan waxaan u aragnaa in siyaasadda xukuumadda ay tahay mowduuc ay leedahay Somalia,” ayuu yiri.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay in aanay iyagu dhex boodi karin arrimaha gudaha ee Somalia.

“Ma faro gelin karno, mana faro geli doono arrimaha gudaha Soomaaliya oo waxaan ka taaganahay dibadda, laakiin hadii ay jiraan dhaliilo ama siyaasado is diidan waa in ay ka doodaan Soomaalida dhexdeeda oo ay is xaliyaan,” ayuu yiri Mehmet Yılmaz.

Danjiraha oo hoosta ka xarriiqay in ujeedka saldhigga ciidan ee Turkisom uu yahay in la tayeeyo xirfadda Ciidanka Qalabka sida ee Somalia oo ay Booliisku xitaa ku jiraan, ayaa sheegay inay markiiba qaadaan 350 askari oo Turkiga kusoo tababarta marka ay kuruudka asaasiga ah uga baxaan saldhigga laftiisa.

“Dalka Turkiga markii ay tagaan askartan waxaa lasiiyaa tababar dhanka Kumaandooska ah, marka ay soo dhameystaan waxbarashadooda waxaan askartan ku wareejinaa wasaaradda difaaca Soomaaliya,” ayuu yiri Danjiruhu.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay wejiga 1-aad tababarkiisa iminka wadaan ay ka kooban yihiin 10 guuto ama 5,000 oo askari, kuwaasoo iminka qiyaastii 2,000 ay durba diyaariyeen, isagoo sheegay inay ku xijin doonaan tababarista saraakiisha oo marka dambe iyagu tababarka bixin doona.

Dad badan ayaa rag ka tirsan mucaaradka qaarkood ku eedeeyey inay khalad wayn tahay in Turkiga oo ah dalka qura oo u muuqda inuu dhisayo hay’adda ugu muhiimsan jiritaanka dalka, lasoo geliyo is eedeedka ma dhamaadaha ah ee siyaasadda gudaha Somalia oo aan inta badan lahayn rabitaan iyo aragti horusocod ah, iyadoo la soo jeediyey in wixii khalad ah loo maro hillinnada isla xisaabtan ee ay Somalia leedahay, haddii aysan jirinna lagu dadaalo samayntooda.

Hadalsame Media