Sucuudiga oo ku tala jira in Taraawiixda iyo xitaa Ciidda Soonfur guryaha lagu oogo haddii…

0

(Makah) 18 Abriil 2020 – Muftiga wayn ee Sucuudiga Carbeed, oo ah maamulka diimeed ee dalkaa ugu sarreeya ayaa sheegay inay ka fikirayaan in taraawiixda iyo xitaa salaadda Ciidda Soonfur guryaha lagu dukado, haddii uu sii socdo cudurka coronavirus.

“Taraawiixda Ramadaanka guryaha ayaa lagu dukan karaa haddii masjidka loo iman waayo cudurka faafa ee coronavirus dartii,” ayuu yiri Mufti Sheikh Abdulaziz al-Sheikh oo sidoo kale sheegay in sidaas ay noqonayso Salaadda Ciiddu, sida uu qoray Okaz.

Bisha barakaysan ee Ramadaanka ayaa bilaabmaysa todobaadka soo aaddan.

Sucuudiga ayaa bartamihii bishii Maarso dadka ka joojiyey inay ku dukadaan masaajidda, waxaa sidoo kale la joojiyey Salaaddii Jimcaha, waxaana masaajidda la xirey ku jira Masjidka Kacbada ee Maka iyo Masjidka Nabiga (NNKH) ee Madiina.

Hadalsame Media