SAWIRRO: Cudurka Covid-19 oo xabsiga ku helay gabar lagu naanayso ”Jinni Jolie” (Xaaladeeda oo laga dayrinayo)

0

(Tehraan) 18 Abriil 2020 – Gabar u dhalatay dalka Iiraan oo aad jeclayd inay u ekaato qalanjada Angelina Jolie balse lagu mitaaley mayd socda ama Zombie, ayaa lagu soo warramayaa inuu iminka neef-siiye ku xiran yahay, kaddib markii uu Iiraan kula dhacay caabuq sidaha coronavirus.

Gabadhan oo caan ka ahayn Instagram, oo ay ku isticmaasho magaca Sahar Tabar, waa 22 jir, uu magaceeda dhabta ihi yahay Fatemeh Khishvand, kasoo jeedda Tehraan, waxayna caan baxday markii ay soo bandhigtay sawirro ay markii dambe sheegtay inay macmashay oo muujinaya muuqaal naxdin leh.

Gabadhan oo ay qarreenadeedu horay u codsadeen in xabsiga laga sii daayo, xilli ay Iiraan wajahayso cudurka COVID-19, ayaa haatan la sheegayaa inay besteed la tahay isla cudurka.

Hay’ad uu fadhigeedu yahay Maraykanka oo la yiraahdo Center For Human Rights In Iran ayaa sheegtay in madaxdu diideen inay damiin kusii daayaan, tiiyoo ay jirto in xabsiyada dalkaasi uu fara ba’an ku hayo caabuq sidahan halista ah ee dalkaa ku diley 4,958.

Hadalsame Media