Haweenka ay raggoodu dilaan oo si aad ah u kordhay mudada HANDARAABKA (Tirakoob naxdin leh)

0

(London) 17 Abriil 2020 – Muddooyinkii handaraabka lasoo rogey ee dadka lagu amray inay guryohooda joogaan si ay iskaga jiraan faafitaanka coronavirus ayaa waxaa la sheegay inuu dhacay 16 dil oo la xiriira muran qoys, dalka UK oo qura.

Arrintan ayaa xitaa dhaaftay tiradii guud ee kiisaska noocan ah oo celcelis ahaan sanadkiiba aan ka badnaan jirin 5 dhimasho, sida uu kashifay The Guardian.

Karen Ingala Smith, oo ah qofka asaastay hay’adda Counting Dead Women, oo tirisa haweenka ay raggoodu ku dilaan Britain, ayaa sheegtay in 16 haween ah la diley intii u dhexeeysey Maarso 23 ilaa Abriil 12 oo qura.

Wicitaannada la xiriira cabashooyinka murannada qoyska iyo foomamka loo buuxinayo qaabka online-ka ah ayaa aad u kordhay tan iyo markii handaraabka lasoo rogey.

Hadalsame Media