Yuusuf Garaad oo ka GAR naqay arrinta weriyaha u xiran DF

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2020 – Hanjabaad weriye hawada loo mariyay ayaan tobaneeyo cisho ka hor ka hadlay sida aan u arkay. Hadda weriye ayaa xabsiga loo taxaabay.

Anshaxa Saxaafaddu wuxuu farayaa Suxufi kastaa in uu mar kasta ka dhowrsado war aan sugneyn. Si gaar ah xilliyada masiibooyinka, kacdoonka, colaadaha iyo doorashada.

Sidoo kale waa in uu ka dhowrsado warka dhaawici kara sharafta mas’uuliyiinta, muwaaddin kasta oo kale iyo Aadane oo dhan.

Haddii aan caddeyn biyo kama dhibcaan ah loo heyn, in xilligan xasaasiga ah, Madaxweynaha oo dalka oo dhan ka mas’uul ah, lagu eedeeyo in uu qaatay Neefsiiyaha bukaanka neefsan waaya xanuun awgiis, ma ahan keliya in ay ku tahay meel-ka-dhac iyo eedeyn aad u culus oo tilaameysa mas’uuliyad darro weyn.

Waxaa lagala dhex bixi kartaa in Madaxweynuhu uu xanuunsanayo.

Dhiillada uu warkaasi xambaarsanyahay waxay horseedi kartaa khalkhhal siyaadeed iyo mid bulsho.

Kuma aqaan Madaxweynaha, kamana fili karo mas’uuliyad darro intaas le’eg iyo xishood la’aan noocaas ah.

Xorriyadda Saxaafaddu ma ahan shati kuu fasaxaya xadgudub.

Haddana, si looga nabadgalo xadgudub, haddii uu dhacayna loo khasbo raalli gelin ama magdhow, dariiq sharci ah oo loo maro ayaa jira. Wuxuu u furan yahay hey’ad, mas’uul, muwaaddin iyo Aadane kasta oo xadgudub ka tirsanaya saxaafadda.

Waxaa iga degi kari la’ sida aan ka arkay warka Ururka Suxifiyiinta FESOJ in Dowladdu ay weriye ku riddo xabsiga Dhexe iyada oo aan Maxkamadi xukumin.

Xilligan xasaasiga ah oo ay tahay in weriyayaashu feejignaan sare ay ka muujiyaan faafinta war aan sugnayn, ayay tahay Dowladduna in iyada oo xirtay Goobaha waxbarashada, lagana digay Masaajidda ka hortagga Coronavirus awgiis, aanay war Facebook lagu qoray ka dudin oo dartiis aanay Tifatire ugu ridin Xabsiga Dhexe.

Talada aanay ii dirsan ee Dowladda aan u ugu deeqayo waxay tahay in aanay jirin Dowlad isku heli karta in ay Dimuqraaddi ahaato iyo in ay weriyayaasha ka nabadgasho ugana adkaato xabsi aan Maxkamad lahayn iyo cagajugleyn aan xataa dedneyn ee daalacan.

Saxaafad waxay ku dhisan tahay aamminaad. Haddii ay war been ah ka sheegto, sida ugu wanaagsan ee looga adkaado waa in aad caddeyso in aan warkeedu run ahayn, taas oo dhaawaceysa kalsoonida iyaga lagu qabo, ka badan inta uu xabsi u dhimi karo.

Maaddaama aan loo socon in la laalo Xeerarka Dimuqraaddiyadda iyo xorriyatul qowlka Dastuurka ku asteysan oo ay tahay in loo hoggaansanaado, waa khasab in ay Dowladdu barato hab ay ugu gegsato si ay ula noolaato qaniinyada saxaafadda middii aan dalka dumineyn.

Soomaaliya keliya ma aha. Jacayl iyo nacayb wada socda ayaa ka dhexeeya saxaafadda iyo Dowladaha Dimuqraaddiga ah sideenna oo kale.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media