“Waa kicin dadwayne & awr-kacsi” – Xil. Fiqi oo mid mid u falanqeeyay war kasoo baxay kooxdii ASWJ

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2020 – Waxaan aqriyey warqad la yiri waxa ay ka soo baxay madaxdii ASWJ oo aan anigu ka mid ahaa dadka marar badan oo laga gardarnaa sida adag u difaaci jirey, balse maanta ay qasab noqotay in aan hogatusaaleeyo culimadeena.

Waxaan marna la inikirsanayn waxa ay deegaanadaan ka soo qabteen,, laakin waxaan marna la qaadan karin in aan laga run sheegin taariikhdii dhoweyd ee aan goobjoogga u ahayn, qoraalka la yiri ASWJ ayuu ka soo baxay shaley waxaa ka muuqda marin habaabin taariikh iyo dhacdooyin raadkoodii qoyan yahay, nidaamka federaalka oo si qaldan loo fahmey, kicin dadweyne, hanjbaado iyo awrkacsi.

Midda koowaad: Heshiiskii Jabuuti ee Galmudug lagu midaynayey ee ay wada galeen Galmudug iyo ASWJ waxa lagu eedeeyey in ay burbrisay dawladda Federaalka ah taasi xaqiiq ma ahan, cidda amarkii madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale jabisay ee ku soo dhowaysay Garoonka dhuusamareeb DFS waa ASWJ, taasina ay keentay in madaxweyne XAAF uu isaga huleelo Caasimadda Galmudug, arrintaasina ay dhashay in maamul dhisidda lagu wareejiyo dawladda federaalka ah ayadoo ay raalli ka ahaayeen ASWJ.

Qodobka labaad: waxa warqadda lagu qoray in aysan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray DFS iyo ASWJ taasina waxa beeninaya in ASWJ qaab heshiis ah ay ku qaateen 20 xildhibaan oo barlamaanka cusub oo Galmudug ah, xilalka qaarkoodna ay u tartameen.

Qodobka Saddexaad: Arrinta ah in Alshabaab iyo kooxaha xagjirka ah ay ku soo duuleen Galmudug oo aan u qaatey in loola jeedo maamulka iyo madaxda cusub ee Galmudug waxaan ku tilmaami karaa in ay tahay awrkacsi iyo marinhabaabin xaqiiqda dhabta ah oo ay ka warhayso ciddii warqaddaas soo qortay.

Qodobka Afraad: Maamulka cusub ee hadda dhisan uma dhamma labadii maamul ee Jabuuti ku heshiisay, taas waxa diidaya 20-ka xildhibaan ee ASWJ magacooda lagu galiyey barlamaanka Galmudug, oo ku yimid nidaam dibuheshiisiineed, kaasoo ka soo horjeeday nidaamka federaalka dalka u yaalla.

Qodobka Shanaad: Baaqa dadka reer Galmudug oo ah in ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ee soo duulay waa kicin dadweyne iyo xaalad abuurid aysan dadka reer Galmudug waqtiga la joogo diyaar u ahayn.

Guud ahaan waxaan rabaa inaan kula taliyo madaxda ASWJ cimri tagey ceeb laguma sagootiyo, isgadgadiska badanna waa lagu muunad-beelaa, inaan xaqiiqda laga run sheeginna diinteenu ma amaanin, sidaas awgeed waxaan la gudboon in ay aaminaan in dadka reer Galmudug ay Midnimo iyo horumar ku taamayaan, cid kasta oo dib u celinaysana aysan soo dhowaynayn.

Maamulada dunidaa waa la is-bedelaan, xilkuna waa meerto, Galmudug waxa ka furan ciddii hogaankeeda u hanqaltaagaysa in ay midnimada iyo wadajirka dadkaan iyo deegaankaan u istaagto, 4 sano ka dibna ay soo tartanto.

Waxaa Qoray: Xildhibaan Fiqi

Hadalsame Media