RASMI: Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay waxa ka jira in Doorashooyinka dib loo dhigayo

0

(Muqdisho) 16 Abriil 2020 – Waxaa muddaba soo baxayey warar ku tiri ku teen ah oo sheegaya inay DF ka fikireeyso muddo kororsi dib loo dhigayo Doorashooyinka Qaranka ee 2021.

Warkan ayaa kasii daray markii uu dunida ka qarxey caabuq sidaha Covid-19, markii uu Somalia gaareyna wuuba sii holcey.

Saaka ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya inay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka qaranku ay ku ”dhawaaqi rabaan in doorashadii dib loo dhigayo.”

Yeelkeede, Aways Gaanni, oo ka mid ah isla Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa arrintaa ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin.

Wuxuu Twitter kusoo qoray: ”Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn.”

Hadalsame Media