Maraykanka oo sabab cajiib ah u cuskaday weerar uu 10-kii bishan ka gaystey Somalia (Inuu rayid ku diley oo uu dafiray)

0

(Jamaame) 16 Abriil 2020 – Maraykanka ayaa dafiray inuu Somalia ku diley dad rayid ah duqayntii ugu dambeeysey ee uu ku qaaday bartilmaameedyo ay leedahay kooxda Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa dood ka keenay war ay faafiyeen laba warbaahinood oo sheegayey inay laayeen dad rayid ah markii ay duqeeyeen meel u dhow Degmada Jamaame.

Maraykanka ayaa sheegay in sababta ay weerarka u qaadeen 10-kii Abriil uu ahaa markii ay kooxda Shabaab ay xurmo tireen maydka ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan Xoogga Dalka, si ay dadka ugu cabsiiyaan, sida kasoo baxday AFRICOM.

Waxay sheegeen inay kaddib calaameeyeen bartilmaameed ay ku sugnaayeen kooxdan maydka soo bandhigaysey kaddibna ay duqeeyeen.

Africom ayaa xitaa magacowday mid ka mid ah warbaahin ay sheegeen inay dacaayad u faafiyaan kooxda Shabaab, taasoo ay ku sheegeen SomaliMemo.

Sarreeye Guud ka tirsan Ciidanka Lugta Maraykanka, William Gayler, ayaa sheegay inay “maydka karaama tirayeen si ay dadka ugu cabsiiyaan.”

Amnesty ayaa sanadkii tegey Maraykanka ku eedeeysay inay dad badan oo rayid ah ku laayaan weerarrada ay qaadaan.

Maraykanka ayaa baaritaan kaddib qirtay inay dileen haween iyo carruur.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments