”Ma illaawi doonno!” – Jabuuti oo Itoobiya u gashay abaal wayn

0

(Jabuuti) 16 Abriil 2020 – Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay 82.5% dhimayso tariifadii ay saari jirtey badeecooyinka ay Itoobiya ka dhoofsato dalkeeda, cudurka COVID-19 dartii.

Dekedda Port Djibouti ayaa haatan haysata 95% waxyaabaha usoo dega ama u dhoofa Itoobiya oo ah dal bad-xiran ah.

RW Dr Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu aad u qiimaynayo go’aankan oo uu abaal uga hayo MW dalkaasi, Md Geelle.

“Abaal qoto dheer ayaan u hayaa MW Ismaaciil Cumar Geelle-ha Jabuuti oo gartay deriskiisa oo baahi qaba,” ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Badeecada laga daayey tariifada 82.5% waa waxyaabaha ay Itoobiya dhoofiso oo ay ugu badan yihiin bunka iwm.

Hadalsame Media