Gobolka Soomaalida oo aad ugu qadsan qoondada qaran ee Itoobiya (Arag tirakoobkan)

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2020 – Gobolka Soomaalida ee maamul ahaan hoos taga dalka Itoobiya ayaa aalaaba ka sheegta cadaalad darrro baahsan iyo in loola dhaqmo mid aan xaq gobollada kale la siman ku lahayn DF.

Meles Zenawi oo isku tilmaami jirey inuu yahay nin olog la ahaa maamulkii gobolkaas, wax wayn oo sii ridan uma qaban marka laga reebo inuu halkaa ka dhaqan geliyey siyaasad rugby ku dhisan in laga shaqeeyo inay is caburiyaan Soomaalidu korna laga sii cabburiyo.

Tusaale ahaan, jidadka isku xiraya degmooyinka gobollada federaalka ah ee Itoobiya ee ay maalgelisey Dowladda Dhexe 95.7% waxaa laga dhisay gobolka Tigray, 82% kan Amhara, 81% kan gobollada Koonfureed, 73.6% Gobolka Oromia, halka Gobolka Soomaalida aanu ka badnayn 57%, sida ku cad qiimayntii la sameeyey 2019-kii.

Waxaa sii dheer, 92% jidadka isku xiraya Gobolka Tigray waa laami casri ah, 51% waa Amhara, 46% waxaa ah Oromia Gobolka Koonfuureed, 45% waa kan Cafarta, 39% kan Gambela, 25% kan Benishangul halka Gobolka Soomaalida uu 15% yahay laami casri ah oo adag (concrete asphalt)

Dhanka kaabayaasha isgaarsiineed ee 3G, waxaa hoggaaminaya Gobolka Amhara oo maraya 71%, Oromia waa 66%, Gobolka Koonfurta waa 64%, halka gobollada kale ay ka hooseeyaan 40%.

Dhanka korontada, sidoo kale waxaa ugu liita Gobolka Soomaalida.

DHANKA METELAADDA SIYAASADDA

Guddiga doorashada Itoobiya oo dhowaan soo bandhigay khariiddada goob doorashooyinka oo ka kooban 547 xubnood. Deegaannada sagaalka ah ee dalkaas iyo labada ismaamul magaalo ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen sida soo socota:

  • Deegaanka Oromada: 178 kursi
  • Deegaanka Amxaarada: 138 kursi
  • Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi
  • Deegaanka Tigreeda: 38 kursi
  • Deegaanka Soomaalida: 23 kursi
  • Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi
  • Deegaanka Canfarta: 8 kursi
  • Deegaanka Gambeella: 3 kursi
  • Deegaanka Harerida: 2 kursi
  • Ismaamulka magaalada Addis Ababa: 23 kursi
  • Ismaamulka Diri-dhaba: 2 kursi

Gobolka Soomaalida oo sidoo kale shidaal badan laga helay ayay dadku dareensan yihiin inay ku dulman yihiin qoondo kasta oo ka timaadda dhanka DF Itoobiya.

Eeddana lama wada saari karo DF oo qura, oo in badan waxaa in Soomaalida aan wax wayn loo arag ama laga il duufo ugu wacan khilaafaadyo maxalli ah, qabyaalad iyo hoggaan xumo raagtey.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media