Muran ka taagan siyaasi Muslim ah oo soo jeediyey in Ramadaanka aan la soomin Covid-19 dartii (Jawaabta la siiyey)

0

(Algiers) 15 Abriil 2020 – Siyaasi Algerian ah oo la yiraahdo Noureddine Boukrouh, ayaa soo jeediyey arrin muran dhalisay oo ah in aan Ramadaanka soo socda la soomin, maadaama buu yiri uu “halis caafimaad yeelan karo coronavirus dartiis”.

Madaxii hore ee Xisbiga Algerian Renewal Party (PRA) ayaa maqaal uu Facebook soo dhigay cinwaan uga dhigay “Xadaaradaha iyo Coronavirus”, in which he wuxuu ku sheegay in sanadkan la hakiyo Ramadaanka, si loogu kaashado kahor tagga COVID-19.

Boukrouh ayaa qoray: “Muslimiintu waa inay kala doortaan inay soonka joojiyaan, ama inay soomaan oo jirkooda daciifka ihi uu u nuglaado faafitaanka  COVID-19.”

Maqaalkan ayaa dood ka dhaliyey Algeria, gaar ahaan dhanka baraha bulshada, iyadoo lagu eedeeyey inuu faraha la gelayo arrin “gebi ahaanba ay go’aan ka gaari karaan culimada diinta iyo kuwa caafimaadku”.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo culumada dalkaas ayaan weli wax war ah arrintan kasoo saarin.

Isla arrintan ayaa waxaa ka hadlay Masjidka Al-Azhar 7-dii bishan Abriil, waxayna soo saareen FATWA caalami ah oo ay ku sheegeen “in qofka Muslimka ihi uu Ramadaanka hakin karo oo qura haddii uu dhakhtar caddeeyo inuu u nugul yahay caabuq sidaha Covid-19.”

Hadalsame Media