YAAB: Turkiga oo Somalia ku daray dalalka uu ku caawiyey agabka lagula tacaalo Covid-19 (Arag liiska)

0

(Ankara) 14 Abriil 2020 – Xilli uu cudurka COVID-19 uu caalamka ruxayo ayay waxyaabo badani is bedeleen, iyadoo ay dalal badani waxba ka qaban kari la’yihiin cudurka oo ka saa’id caleeyey ama iyaga oo aan sinnaba ugu diyaarsanayn dartood.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka iminka adeegsanaya diblomaasiyad aadminnimo, isagoo ilaa iminka u gurmadey dalal fara badan.

“Ilaa iminka waxaannu kaalmo agab caafimaad ah gaarsiinney 34 dal,” ayuu ku faanay MW Recep Tayyip Erdoğan oo shalay saxaafadda la hadlayey kaddib kulan uu Golaha Wasiirrada kula yeeshay Istanbul, isagoo sheegay inay dalab ka heleen ilaa 90 dal.

Dalkii ugu dambeeyey ee ka faa’iidaysta kaalmada Turkiga waa dalka Ukraine, iyadoo uu Danjirah Ukrain ee Ankara, Andrey Sibiga, uu shalay ku dhawaaqay inay Turkiga kaalmo ka heli doonaan.

Yeelkeede, warqaadka Daily Sabah oo aad ugu dhow Dowladda Turkiga ayaa soo gudbiyey dalalka ay Turkigu ilaa iminka gaarsiiyeen agabka lagula tacaalo caabuq sidaha Covid-19, waxaana ku jirta Somalia, tiiyoo aysan ilaa haatan jirin kaalmo ka timid Turkiga oo Somalia soo gaartey, inta la og yahay.

Waxaa lagu sheegay dalalkaasi Azerbaijan, Bosnia-Herzegovina, Bulgaria, China, Colombia, Georgia, Germany, Hungary, Indonesia, Iran, Israel, Italy, Kosovo, Lebanon, Libya, Montenegro, North Macedonia, Pakistan, Palestine, the Philippines, Poland, Qatar, Serbia, Somalia, Spain, Tunisia, the Turkish Republic of Northern Cyprus (TRNC), the U.K, the U.S., Yemen, iyo Muslimiinta Rohingya.

Lama oga sababta ay Somalia ugu jirto liiska dalalka gargaarka la siiyey.

Cudurkan ayaa tan iyo markii uu bishii Dismeebar 2019 kasoo shaac baxay magaalada Chinese-ka ah ee Wuhan, wuxuu ku fiday 184 dal.

Hadalsame Media