Shiinaha oo guulguul ku haya Taiwan jeer ay dunidu la hardamayso Covid-19 + Sawirro

0

(Taipei) 14 Abriil 2020 – Tawaangida Taiwan ayaa la arkayey iyaga oo saf kula jira gawaarida, gaadiidka daabulka iyo tagaasida hurdiga ah.

Ujeedku waa dhoolla tus ay ka sameeynayeen magaalada Yuanshan, oo ku taalla koonfur bari caasimadda Taipei, waana mid looga gol leeyahay sida la iskaga difaaci karo weerar ka yimaada Shiinaha.

Taangiyada oo uu midkiiba 50-tan dhan yahay ayaa dhoolla tuskan u samaynaya sabab la fahmi karo.

Waayo bilihii yaraa ee tegey wuxuu Shiinuhu kordhiyey guulguulka uu ku hayo gasiiradda fallaagoowdey ee Taiwan oo ah qayb ka tirsanayd Shiinaha, balse muddo dheer gaar u taagnayd.

Shiinaha ayaa kasoo kabanaya Covid-19 balse wuxuu haatan fara ba’an ku hayaa Maraykanka, taasoo Taiwan ka dhigaysa bartilmaameed u nugul Shiinaha.

Shiinaha ayaa 2,000 oo roondo oo ay sameeynayaan dayuuradaha wax duqeeya wuxuu sanad kasta u diraa Marinka Taiwan Strait, oo ah goolad yar oo biyo ah oo kala qaybisa labada dhinac, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Taiwan.

Shiinaha ayaa tillaabadaa ku dhaqaaqay markii 2016-dii ay Taiwan MW u dooratay Tsai Ing-wen, oo aad u diiddan in ay dib ula midoobaan Shiinaha. Sanadkii tegey waxay Shiinuhu si kas ah miigag u dul mariyeen bartamaha Marinka, markii ugu horreeysey muddo 20 sanadood ah.

Bishii Diseembar waxay Shiinuhu Marinkaa u direen markabkii ugu horreeyey ee dayuuradaha xambaara ee ay iyagu dhiseen oo ah Shandong, laba todobaad uun kahor intii aan markale 4-sano dib loo dooran Ms Tsai.

Hadalsame Media