RASMI: Shiinaha oo noqday dalkii 2-aad ee bilaaba tijaabada tallaalka Koroonaha oo….

0

(Beijing) 14 Abrii 2020 – Shiinaha ayaa ogolaaday in la bilaabo wejiga 1-aad ee tijaabo dadka lagu sameeynayo oo ah tallaalka Koroonaha, si looga gaashaanto mowjad 2-aad oo safmar ah.

Tallaalkan tijaabada ah ee cudurka COVID-19 ayaa waxaa hormarinaysa mac’had Beijing-saldhigta oo la yiraahdo Sinovac Biotech iyo midka Wuhan Institute of Biological Products, kaasoo iskaashi la leh hay’adda ay dowladdy leedahay ee China National Pharmaceutical Group, sida ay goor dhow qortay Xinhua.

Bishii Maarso, Beijing ayaa ogolaansho daraasadeed siisay hay’adaha kala ah Akadimayaha Ciidanka ee Academy of Military Medical Sciences iyo hay’adda CanSino Bio, in yar uun kaddib markii ay hay’adda Moderna ee dalka Maraykanku bilowday in ay tallaalka Koroonaha dadka ku tijaabiso, iyadoo kaashanaysa mac’hadka US National Institutes of Health.

Ugu yaraan 70 dawo oo ay qaarkood marxaladdii ugu dambeeyey marayaan ayaa laga wadaa caalamka, balse markii laga baxo Shiinaha Markaykanka unbaa ka jira dal dadka ku tijaabinaya.

Xeeldheere Dr Anthony Fauci ayaa sheegay inu tallaalku diyaar noqon karo 12-18 bilood gudohood, balse waxaa laga digayaa in lagu degdego arrinta.

Hadalsame Media