Qiimayn lagu sameeyey awoodda ay Afrika u leedahay la hardanka Covid-19 (Halkee Somalia ku fiican tahay ama ku liidataa?)

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2020 – Waxaa qiimayn guud lagu sameeyay sida ay qaaradda Afrika ugu diyaarsan tahay la tacaalidda karoodka Covid-19 oo caalamka ka cabaajiyey, sida ay samaysay Africa Center for Strategic Studies.

Waxaan weli wax badan laga ogayn tiirada uu ku faafayo caabuq sidaha COVID-19 ee Afrika, baaritaan la’aan iyo dalalka qaar oo aanba agab ay ku baaraan haysan dartood.

Waxaa se jirta rajo ah in qaaradda oo dhallinyaro u badan, cimilada diirran iyo qaaradda oo aalaaba si dabiici ah ula xaasha cudurro badan, taasoo kordhinaysa awoodda difaaca jirku ay noqon karaan amaba ay yihiin sababta ay qaaraddu weli cudurka uga caymato.

Haddaba, waxaannu si gaar ah u eegaynaa khariidadda laga sameeyey cudurka halka ay Somalia uga jirto, meelaha ay ku liidato iyo meelaha ay ku roon tahay.

Meelaha ay ku ROON TAHAY…

Somalia oo ay dagaallo la degeen ma aha dal sidaa ugu furan caalamka, sidaa darteed, dhankaas way ku yara fakanaysaa, waxay kaloo Somalia ku roon tahay dhanka da’da ay celcelis ahaan dadkeedu jiraan oo hooseeysa.

Waxay Somalia ku fiicnaatay dhanka cufnaanta magaalada, marka la eego inta qof ee ku nool halkii KM oo jibbaaran, waxay sidoo kale ku caymataa tirada dadyowga magaalada. Dhanka madax bannaanida waxay gashay meelaha ay saxaafaddu qayb ahaan xor tahay.

Meelaha ay ku LIIDATO…

Waxay aad ugu liidataa kaabayaasha caafimaadka oo ay gashay kuwa ugu xun Afrika.

Waxay ku liidataa daah-furnaanta dowladda, sida musuqa iwm, dhanka khilaafaadka ama colaadaha iyo dhanka barakacayaasha maxalliga ah, kuwaasoo aad u dhaawacaya awoodda ay Somalia kula tacaali karto Covid-19.

Hadalsame Media