Kenya oo si firfircoon ugu howllan sidii ay ku heli lahayd dhul-badeedka Somalia (Tillaabooyinka ay ilaa hadda qaadday & caddaymaha)

0

(Nairobi) 13 Abriil 2020 – Dowladda Kenya, muddo siddeed (8) sano ka badan ayey saaxiib dhow oo aan is qarin, si wacan u kaalmeysa Axmed Madoobe, u tahay.

October 16, 2011 inta aysan Kenya, gudaha Soomaaliya, soo gelin ama aan la sameyn maamulka Jubaland, waxa ay olog hoose la aheyd Senator Omar Cabdirashiid, Xildhibaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi iyo Abdirahman Abdishakur. Sida ay u kala horeeyaan ayey ugu kala muhiimsanaayeen.

Is–afgaradka caanka ah ee Soomaaliya iyo Kenya dhex maray, markii la saxiixay April 7, 2009, ayuu Omar Cabdirashiid, oo fududeynaya damaca Kenya, April 8, 2009 (maalin kadib) Ban Ki Moon, u diray dhambaal uu ku wargelinaya in Kenya, u madax bannaantahay diiwaan gelinta xadka badda ay la wadaagto Soomaaliya. Annaguna (Soomaaliya) aynaan wax diidmo ah ka qabin.

Omar, dhambaalka waxa uu raaciyey is–afgaradkii Soomaaliya iyo Kenya, dhex maray ee Abdirahman, saxiixay, warbixin shan iyo toban (15) bog ah oo faahfaahinaysa sida Soomaaliya, cabirka xariiqa xadka badda usoo gudbinayso iyo cidda ka saaciday iyo lifaaq siddeed (8) bog ah oo jaantus iyo qariiraddo xadka baddeena, sida u dhici doono tusmooyin ka bixinaya.

Omar, waxa uu warqadda ku werin, kulamo Nairobi ka dhacay March 10, 2009 oo dhaxmaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya, Professor Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi iyo Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha guud Qarammada Midoobay, Mr Charles Petrie iyo Danjire Hans Wilhelm Longva, oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

‘‘April 5 – 6, 2009 waxaa martiqaad uu fidiyey RW Omar, ku yimid Mogadishu, Danjire Hans Wilhelm Longva, si uu diyaarinta xogtaan gacan uga geysto. Danjire Hans, waxaa qaabilay Madaxweyne Sheekh Shariif, sidoo kalana waxuu fursad u helay in uu la kulmo Golaha Wasiirada, lana wadaagay diyaarinta xogta xadka Badda Soomaaliya.’’

‘‘Kharashaadka ku baxay diyaarinta xogtaan iyo cabirka xadka badda, waxaa dabaray dowladda Norway’’. Waa fariinta ay sido xogta shanta iyo tobanka (15) bog ee Omar, u diray Ban Ki Moon.

Kulanka Danjire Hans Longva, ee uu la qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif, Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo martiqaadka uu ku yimid Xamar, waxaa xigay heshiiskii Nairobi April 7, 2009 ee mugdiga iyo muranka badan dhaliyey ee weli taagan.

April 14, 2009 ayaa Qaramada Midoobay faafisay warqadda RW Omar, warbixinta la socota, is–afgaradka iyo lifaaqa xariiqda xadka badda Soomaaliya.

OmarIbbi iyo Abdirahman, hadda Kenya, waxaa u bedelay Axmed Madoobe iyo Jubaland, oo xeyndaab iyo xeelad farogelin u ah Kenya.

Kenya, waxey u aragtaa Axmed Madoobe, shaqsiga fulin kara dankasta oo Soomaaliya, ka gasha iyo damaceeda ku aadan xadka badda aan la wadaagno.

Intiina Nairobi sida fiican u kala taqaan hadda Axmed Madoobe, waxa uu Uhuru Kenyatta, u dagan yahay sarta dheer ee Lenana Towers.

Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Sheekh Daahir, ayaguna daarta Aden Valley Serviced Apartments, oo qasriga Madaxtooyada Kenya, u jirta dhowr mirir ayey marti Kenya, ugu yihiin.

Kenya, waxaa horutabinta u leh in ay Axmed Madoobe, ka hor leexiso Xidig iyo Seeraar, inta aan June 8, 2020 la gaarin.

June 8, 2020 oo hadda bil iyo saddex asbuuc oo keliya naga xigto, waxaa loo madlan yahay dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya, dhex taal ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Dhacdooyinka qaar marka ay dhacayaan waa adag tahay in dadka oo dhami wada fahmaan. Mar aan dheerayn ayaa in badani ogaan waxa hadda socda iyo cidda daaha gadaashiisa ka hagaysa.

Waxaa Diyaariyey: Mahad Geelle

Hadalsame Media